U bood dhigaalka

Aqoonyahan Ka Hadlay Ahmiyadda Shirka London Ee Looga Hadlayo Arrimaha Soomaaliya

Sheeko:Dalka

Diblumaasi Maxamed Maxamuud Caalim ayaa ka hadlay ahmiyadda uu Soomaaliya u leeyahay shirka dhowaan la filayo inuu ka dhaco magaalada London oo arrimaha Soomaaliya lagaga hadlayo.

Muhiimad ballaaran ayaa shirkani uu u leeyahay Soomaaliya, maadaama Britain oo kamid ah dowladihii gumeystay dalkani ay aad u daneyneyso kheyraadkiisa iyo sugidda ammaankiisa.

Diblomaasi Maxamed Maxamuud Caalim oo ka faallooda arrimaha Soomaaliya ayaa Goobjoog News, ay weydiisay bal inuu ka warramo muhiimadda shirkani uu leeyahay iyo sida Soomaaliya ay uga faa’iideysan karto.

“Shirkani Ingiriiska ayaa aad u daneynaya wuxuuna doonayaa in madaxda Soomaaliya inuu mideeyo, kheyraadka in la soo saaro ayaa la filayaa arrintaas inkastoo Sacuudiga uu raalli ka ahayn maadaama uu ka cabsi qabo in qiimaha shidaalka uu hoos u dhaco” ayuu yiri Diblumasi Maxamed Caalim.

Shirka looga hadlayo arrimaha Soomaaliya ee dhowaan ka furmi doona magaalada London waxaa ka qeybgali doona dalal badan oo caalamka ah.

Goobjoog News