U bood dhigaalka

Aqoonyahan Ka Hadlay Danaha Dalalka Shisheeye Ay Ka Leeyihiin Soomaaliya

Sheeko:Dalka

Waxaa isa soo taraya hadal heynta ku saabsan in dowlado shisheeye ay ku dedaalayaan in ay saameyn ku yeeshaan natiijada doorashooyinka la filayo in ay Soomaaliya ka dhacaan.

30-ka bishan ayaa qorshuhu yahay in dalka ay ka dhacdo doorashada madaxweynaha oo ah midda ugu weyn ee doorashooyinka hadda qorshooyinkooda socda iyo kuwa soo dhacay.

Dadka indho indheeya siyaasadda dalka ayaa sheegaya in qaar kamid ah dowlado xiriir la leh Soomaaliya ay doonayaan in ay doorashooyinkan kusoo baxaan musharaxiin ay iyaga taageersan yihiin

Hadaba waxa ka jira farogelinta iyo saameynta dowladaha deriska ah ee la hadal hayo iyo waxa ka dhalan kara saameyntooda ayeynu wax ka weydiinnay Dr Xasan Sheekh Cali Nuur oo ah falanqeeye arrimaha istiraatiijiyadda iyo xiriirka caalamiga ah.

“Addunka oo dhan ayaa is farogeliya, farogelinta ayaa waxay tahay mid wax dhiseysa ama mid wax dumineysa, haddii la rabo in doorashadaasi dhacayso dadka iska horkeento waa gaar, haddii la rabo natiijada soo baxeysa mid ilaalineysa danaha qarankaasi waa gaar, adduunka oo dhan ayaa is farogelinaya, marka annagane burbur baan kasoo baxeynaa, marka su’aasha ayaa waxay tahay farogelinta nalagu hayo maxay tahay, haddii aan dhahno adduunyada hanaga leexdo ma isku filannahay, inta miis la isugu yimaado ma dhihi karnaas aan wax qabsanno, Farogelin shisheeye waa laga maarmi karaa, laakiinse xaaladda aan innaga hadda ku sugannahay dadka Soomaaliyeed iskuma filna, xagga siyaasadda iskuma filna oo dagaallo ayaa dalkii ka dhacay, welina aaney dadkii kalsooni isku qabi karin, kalsooni darrada darteed ayaa loo sameeyey Federaal, marka wadan sidaas oo kale ah waxaa la rabaa in dadkeena noqdaan kuwo garan kara dhibaatada na haysa” ayuu yiri Dr Sheekh Cali Nuur.

“Dadka Soomaalida haddii ay rabaan in gacmo shisheeye aanu soo farogelin waa in ay miiska isugu imaan karaan oo ay xallin karaan wax walbo oo dhexdooda ah, xilligaan la joogo Soomaaliya waxa laga faa’id karo waa kaliya dhanka Diblomaasiyadda, dal walbana wuxuu u ordayaa oo kaliya in ay ku yeeshaan raad dhanka wanaagga ah oo ku saabsan in Soomaaaliya wax badan ka qabteen oo ay dhex dhexaadiyeen, waxaana wadanka loo aqoonsanayaa wadan xaliya wadamada kale dhibaatooyinka ka jira” ayuu hadalkiisa raaciyey Dr Sheekh Cali Nuur.

Dalka waxaa dhowaan ka dhici doona doorashooyinka aqalka hoose, iyo sidoo kale midda madaxtinimo, waxaana jirta in dalal badan oo caalamka ah ay indhaha ku hayaan doorashooyinkaasi.

Goobjoog News