U bood dhigaalka

Aqoonyahan Ka Hadlay Fadhigii Baarlamaanka Iyo Tartanka Musharrixiinta Xilka Madaxtinimo

Sheeko:Baarlamaanka

Aqoonyahan Maxamed Caalim ayaa kulanka koowaad ee baarlamaanka ku macneeyay inuu maantaba billowday khilaafkii siyaasadda cusub ee Soomaaliya.

Aqoonyahanka oo wax ka qora arrimaha geeska Afrika ayaa kala hadlay Goobjoog FM kulankii baarlamaanka iyo go’aannadii maanta ay baarlamaanku qaateen.

Wuxuu sheegay in baarlamaanku ay ka kala yimaadeen kooxo kala duwan oo dalka ah islamarkaana qaarkood aan isku siyaasad ahayn taasna ay keeneyso khilaaf iyo isfaham waa iyaga dhexdooda ka abuurma.

Waxa uu ku dhaliilay go’aanka ay ka qaateen guddiyada doorashada heer qaran iyo kan heer federal inay kor joogto ka noqdaan isagoo sheegay in baarlamaanku ay codkooda dhaqaale ku doonayaan.

“Marka waxay ahayd in baarlamaanka la soo dhammeystiro xubnaha ka dhiman, go’aanka guddiyada doorashada kor joogtada looga dhigayo doorashada madaxweynahana waa mid lagu degdegay, xataa baarlamaanka dhaarintiisa waa lagu degdegay marka cabashada la xaliyo ayay ahayd, aniga waxay iila muuqataa in khilaaf siyaasadeed abuurayaan” ayuu yiri aqoonyahan Caalim.

Dhanka kale, Aqoonyahanka oo aan weydiinay arrinta miisaaniyadda oo baarlamaanka maanta wasiirkii maaliyadda uu horkeenay islamarkaana ay diideen ayuu ku sifeeyay arrin hareermarsan sharciga.

Maxamed Caalim ayaa soo hadal qaaday arrinta bulshada Soomaaliyeed ay isla dhexmarayaan oo ah in musharrixiinta qaar la leeyahay waxaa wata dowlad hebel sida Itoobiya iyo Imaaraadka, wuxuuna sheegay in loo baahan yahay in la helo dad wadaniniyiin ah oo leh dareen Soomaalinimo.

Annagu waxaan maqalnay in madaxda Soomaaliyeed ay aaminsan yihiin in looga soo duceeyo Itoobiya, Imaaraadka iyo Turkiga waa wax jira oo 20-kii sano ee la soo dhaafay dalka laga dareemayay, Dadka Soomaaliyeed waxa ay doonayaan waa inay muwaadinka tartanka galaya uu ka fikiraa waa in loo diirxanaa oo la eegaa dhallinyarada iyo hooyooyinka ku dhibaateysan Yemen iyo meelaha kale, ma ahan marka nin shisheeye wato in la doorto” ayuu yiri aqoonyahanka.

Maalmaha soo aaddan ayaa qorshaha uu yahay in magaalada Muqdisho lagu doorto guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya, ku xigeennadiisa iyo sidoo kale madaxweynaha jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya.

Goobjoog News