U bood dhigaalka

Aqoonyahan Ka Hadlay Sababta Puntland Ay Uga Baxday Shirka Ka Socda Magaalada Muqdisho

Sheeko:Dalka

Professor Cabdikariin Daa’uud Nuur oo wax badan ka falanqeeya arrimaha siyaasadda dalka ayaa ka hadlay sababta rasmiga ah ee Puntland ku kalliftay in shirkaasi ay isaga baxdo.

Waxa uu sheegay in sababta ugu weyn ee Puntland shirkaasi uga baxday ay tahay arrinta ku aadan Galmudug iyo sidoo kale khilaafka ka jira maamulkaasi.

“Puntland waxay diidan tahay maamulka Galmudug oo ku magacaaban Mudug iyo Galgaduud, hadana gobalkaasi uu Laba u kala qeybsan yahay, dhan Puntland, dhanna Galmudug, iyadoo Dastuurka uu qabo Laba gobal iyo wixii ka badan in maamul loo sameyn karo, hadana caqabadda ugu weyn ee shirka uga baxday Puntland waxaan u arkaa in taasi ay tahay” ayuu yiri Professor Cabdikariin Daa’uud.

Sidoo kale Professor-ka ayaa sheegay in dowladda Federaalka Soomaaliya looga baahan yahay in xalliso waxa jira, islamarkaana Labada dhinac wada qanciso.

“Dowladda ayaa xalka looga baahan yahay, welina wax xal ah ma aysan sameyn, Dastuurkii ma bedalin oo lagama dhigin in gobal iyo Degmooyin maamul loo sameyn karo, sidoo kale inta Puntland qanciso oo Mudug la siiyo Galmudug ma aysan dhici, hade in Cabdiweli Shirka ka baxo waxyaabahaasi ayaa keenay” ayuu yiri Professor-ka.

Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Gaas ayaa shalay ka baxay shirka wada tashiga dowladda Federaalka iyo maamul gobaleedyada.

Goobjoog News