U bood dhigaalka

Aqoonyahan Kahor Yimid In Amniga Muqdisho Lagu Wareejiyo Maamulka Gobolka Banaadir

Sheeko:Dalka

Aqoonyahan Shariif Xuseen Roobow oo ka faalooda arrimaha siyaasadda iyo ammaanka ayaa sheegay in waddo saxan aysan ahayn qaabkii amniga magaalada Muqdisho loogu wareejiyey maamulka Gobolka Banaadir.

Waxa uu sheegay aqoonyahankaan in wax lala yaabo ay ku noqotay in ay maqlaan madaxdii amniga oo sheegaya in Muqdisho ammaankeeda ay u dhiibeen maamulka Gobolka Banaadir.

“Waa arin aan xilligaan loo baahneen in nin mas’uul ah oo hay’ad amni madax ka ah uu yiraahdo waan iska wareejiyay amnigii Muqdisho oo maamulka Gobolka Banaadir baan ku wareejiyay inuu yiraahdo ma ahayn, hadii uu qalqal amni jiro waxay ahayd inay ka fariistaan golaha wasiirada kadibna laga fiirsado qaabkii looga guuri lahaa nabad sugid, qaabkii ciidanka loogu wareejin lahaa gobolka Banaadir iyo qaabka dhaqaalaha, laakiin hadii sahal lagu wareejiyay howsha wey sii cuslaaneysaa” ayuu yiri Shariif Roobow.

Dhinaca kale Shariif Roobow ayaa soo dhaweeyay la xisaabtanka baarlamaaka Federaalka ee ku aadan xukuumadda Soomaaliya iyo sidoo kale taliyeyaasha hay’adaha amniga dalka.

La xisaabtankaasi ayuu sheegay inuu ahaa mid soo daahay islamarkaana muddo badan laga suyey xildhibaannada baarlamaanka.

Goobjoog News