U bood dhigaalka

Aqoonyahan Ku Baaqay In Laga Tanaasulo Sameynta Aqalka Sare Ee Dalka

Sheeko:Dalka

Shariif Roobow oo ka mid ah aqoonyahannada Soomaaliyeed ee ku sugan magaalada Muqdisho ayaa ku taliyey in laga tanaasulo sameynta aqalka sare oo uu sheegay in culeyso badan xilligan keenayo.

Isagoo aqoonyahankan u waramayey barnaaamijka maxaa lagu heshiiyey ee Goobjoog News ayuu sheegay in culeys badan uu hadda ka muuqanayo sameynta aqalka sare, sababtuna wuxuu ku sheegay in maamullada qaar ay arrintan u arkeen in sad bursi loo  sameeyay maamullo kale.

“Waa in la laalo aqalka sare oo dhan sababtoo ah dhibaato ayaa ka imaaneysa Somaliland waad u jeedaan in ay ka biyo diidday sida wax loo qeybsaday, Galmudug madaxweynaheeda isna wuu hadlay oo wuxuu leeyahay Puntland ayaa loo sad buriyey, Koonfur Galbeed dhankeeda doodda kama marna, marka wax la isku haysto haddii la dhaho waa la sameynaa waa dhinbaato kale, Soomaalida waxa ay hadda wax ku qeybsaneyso waa qabiil, wixii uu qabiil diidana hadde wax soconaya malahan” ayuu yiri aqoonyahanka.

Shariif Roobow ayaa xalka ugu dambeeya ee Soomaaalida isku fahmi karto ku sheegay in gabi ahaanba la joojiyo dhismaha aqalka sare sidoo kalena aqalka hoose loogu qeybiyo Soomaalida sida ay wax ku qeybsan jirtay ee ah qabiilka inta laga gaarayo doorasho qof iyo cod ah.

Hadalkan kasoo yeeray aqoonyahankan Soomaaliyeed ayaa wuxuu imaanayaa xilli dhaliilo badan ka imaanayaan nidaamka loo marayo dhismaha iyo qeybsiga aqalka sare ee dalka.

Goobjoog News