U bood dhigaalka

Aqoonyahan Ku Taliyay In Dastuurka Loo Raaco Xalka Mooshinka Jawaari

Sheeko:Baarlamaanka

Khaliif Idiris Cusmaan oo ka mid ah aqoonyahannada Soomaaliyeed oo la hadlay Goobjoog News ayaa sheegay in khilaafka mooshinka ee u dhaxeeya golaha shacabka lagu soo afjari karo oo kaliya in la raaco xeerarka uu qorayo  Dastuurka KMG ah.

Khaliif Idiris Cusmaan ayaa sheegay in hadda uu dalka marayo xaalad siyaasadeed oo aan daganeyn loogana baahanyahay golaha shacabka in uu raaco dastuutka si loo soo afjaro khilaafka u dhaxeeya Baarlamaanka.

“Baarlamaanka waxaa uu u muuqdaa niman waxay qorteen ku heshiin waayey, guddoomiye Jawaari mar haddii uu yiri cod ayaan ku imid codna hala ii qaato, waxaan u maleynayaa in uu soo dhaamo khilaafka, guddoomiyaha marnaba wax dambi ah maayeelanayo waxaa dambi yeelanayo dadka diidan in mooshinka cod loo qaado”.

Hadalka aqoonyahanka ayaa waxaa uu ku soo beegmayaa xilli weli uu taaganyahay Mooshinka ka dhanka ah guddoomiye Jawaari, waxaa uuna dalbaday guddoomiyaha in arrinta mooshinka cod loo qaado maadaama markii hore uu ku yimid cod-bixin.

Gooobjoog News