U bood dhigaalka

Aqoonyahan Qamsa: Madaxda DFS Iyo Kuwa Dowlad Goboleedyada Ha Wadahadlaan

Sheeko:Amniga

Axmed C/risaaq Qamsa oo ka mid ah aqoonyahannada Soomaaliyeed ee ku sugan magaalada Muqdisho ayaa sheegay in madaxda dowladda federaalka iyo kuwa maamul goboleedyada looga baahan yahay in ay wadahadlaan si meesha looga saaro madmadowga jira.

Waxa uu tilmaamay aqoonyahankan in Caleema saarkii madaxweyne Dani waxyaabaha laga faa’iday ahayd in madaxda halkaasi tagtay ay durba isku soo dhowaadeen.

Dowladda federaalka ayuu sheegay in looga baahan yahay dhankeeda iney is dabciso, islamarkaana wadahadallo lagu dhammeeyo wax walbo oo jira.

“Haddii wadahadal uu bilowday waxaan rajeeneynaa in heshiis iyo is afgarad la gaaro, sidoo kalena dowladda waxaan ka rajeeneynaa iney dabcin doonto dhanka wadahadallada”

Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya, Maxamed C/laahi Maxamed Farmaajo ayaa sheegay inuu diyaar u yahay xallinta tabashada ay qabaan dowlad goboleedyada.

Goobjoog News