U bood dhigaalka

Aqoonyahan Shariif Roobow “Mooshinka Waa Xisaab Sax Ah Oo Lala Gelayo Madaxweynaha”

Sheeko:Dalka

Aqoonyahan Shariif Xuseen Roobow ayaa sheegay in mooshinka laga keenay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ay u arkaan mid la xisaabtan ah si dalka wax badan looga qabto.

Waxa uu sheegay in shaqo wanaagsan ay tahay isla xisaabtanka dowladda dhexdeeda ah, ayna soo dhaweynayaan.

“Waa muhiim in madaxweynaha la dhaho waxaas baan kugu haysannaa, waana shaqadii la yaqaanay, waayo markii madaxweynaha la dooranayay waxyaabo badan ayuu ballan qaaday, mana la arko waxaas oo dhan, sidaas awgeed waa qasab in la xisaabtan uu yimaado” ayuu yiri Shariif Roobow.

Sidoo kale waxa uu sheegay in isbedal ballaaran oo dhanka dhaqaalaha uu dalka ka jiro, islamarkaana xilligaan la dareemayo hoos u dhac ballaaran iyo in dalkii dhaqaale la’aan uu noqdo.

Mooshinka laga keenay madaxweynaha ayuu sheegay inuusan ahayn mid dalka wax u dhimaya, islamarkaana  yahay oo kaliya waajib saaran xildhibaanada si madaxda loola xisaabtamayo.

Goobjoog News