U bood dhigaalka

Aqoonyahan Sheegay In Dowladda Federaalka Fursad u Tahay Weeraradii Dhawaan Lagu Qaaday Al-shabaab

Sheeko:Dalka

Aqoonyahan Maxamed Caalim  oo ka faallooada arrimaha  Siyaasadda iyo Ammanka ayaa sheegay in weeraradii igu dambeeyay ee lagu qaday Xarakada Al-shabaab ay fursad u tahay Dowladad Federaalka ee Soomaliya.

Aqoonyahanka oo ku nool dalka Finland ayaa sheegay in  duqeeymahan ay dhimi karto awooddii Al-shabaab ee  Soomaaliy, isaga oo sheegay in weeraradaasi ay noqon doonan kuwo isbedal badan oo dhanka awoodda Al-shabaab keena.

Sidoo kale aqoonyahanka ayaa hadalkiisa intaa ku daray in ay muuqaneyso in Maraykanka oo qaar a mid ah weerarada si iskiis ah u qaaday inuu markaan doonayo in awoodda Al-shabaab wax badan hoos loo rido.

“Al-shabaab waxay tani u noqon doontaa mid ay awood badan ku daciifiyaan sababtoo ah ma sahlana in hal mar laga dilo 150 dagaalyahanno, waxay taasi keni kartaa in dowladda Federaalka ay hesho fursado aad u muhiim ah oo ay kaga adkaan karto al-shabaab” ayuu yiri Aqoonyahanka.

Ciidamo ajaniib ah iyo diyaarado dagaal ayaa weeraro ka geystay deegaanno ka tirsan gobollada Shabellaha Hoose iyo Hiiraan, waxaana deegaannadaasi ku sugnaa Al-shabaab.

Goobjoog News