U bood dhigaalka

Aqoonyahan sheegay inuu jirin qorshe fog oo dowladdu u diyaarisay xasilinta goobaha ay la wareegtay

Sheeko:Dalka

Professor Liibaan Cabdulaahi Cigaal oo wax ka dhiga Jaamacada Jorge Mayson ee Dalka Mareekanka ayaa sheegay in hawlgalka Badwaynta Hidiya Nabadgaliyo KMG ah ,hase ahatee aysan jirin jirin qorshe Dowladu ay ugu tala gashay xasilinta goobaha laga saaray Al-Shabaaab.

Waxa uu sheegay in hawlgaladan ay yihiin kuwo laga filan karo natiijo wax ku ool ah oo ay ka gaaraan Ciidamada Dowlada Federaalka iyo kuwa AMISOM.

Mar uu soo hadal qaaday arimaha Maamul u sameynta Dalka iyo muranka ka taagan, Professor-ku waxa uu hoosta ka xariiqay in muranka jira uu ka dhashay xuduudaha oo aan la cayim, taasna ay keentay ismaandhaafka hadda jira.

Waxa uu intaas ku daray in  Dowlada Federaaalka Soomaaliya ay  ay u dhaqanto “qawda ma qashii waxna ha u qaban”, waxana uu carabaabay in heshiisyadii Adis Ababa ee Maamulka Jubba lagu soo dhisay aan  loo fulin sidii loogu talagalay.

Arimaha  Maamulka Khaatumo ayuu sheegay Professor Liibaan waxa khilaafyada sababay ay yihiin  cadaalad daro , taas oo uu ku tilmaamay in ay keentay murankan wali aan xalka laga gaarin ee u dhaxeya Maamulada Khatumo,Somaliland iyo Puntland.

Halkan ka dhageyso wareysiga Hanad Cali Guuleed uu la yeeshay Professor Liibaan