U bood dhigaalka

Aqoonyahan tilmaamay in qabsashada Baraawe ay fursad weyn u tahay dowladda (Dhageyso)

Sheeko:Dalka

Mid ka mid ah aqoonyahanada Soomaaliyeed ayaa sheegay in dowadda Federaalka ee Soomaaliya ay ahmiyad gaar ah u leedahay la wareegista magaalo xeebedka Baraawe.

Aqoonyahan Mukhtaar Rooboow oo Khabiir dhanka ammaanka ah ayaa mar uu wareysi siiyay Goobjoog FM waxa uu tilmaamay in Baraawe ay tahay magaalo muhiim ah oo dowladda federaalka siin doonta furasado badan oo la dagaalanka xarakada Al-shabaab ah.

Waxa uu sidoo kale xusay in ka qabsashada Al-shabaab ee Baraawe ay keeni karto in ay hoos u dhacdo awoodooda waxaana uu tibaaxay in Baraawe ay ilo dhaqaale u ahayd xarakada Al-shabaab.

Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ayaa axadii la soo dhaafay la wareegay degmada Baraawe ee gobolka Shabeelaha Hoose oo ahayd saldhiga ugu weyn ee xarakada Al-shabaab.

Hoos ka dhageyso codka Mukhtaar Rooboow: