U bood dhigaalka

Aqoonyahanno Ka Hadlay Deeqda  Beesha Caalamka  Ay Siiso Dowladda Fedaraalka

Sheeko:Dalka

Soomaaliya ayaa beesha caalamka waxay ugu yaboohdaa lacago badan si loogu taageero dhinacyada kala duwan ee horumarka dalka.

Dowladaha dunida ayaa sheega in lacagaha ay ugu talo-galeen in ay ku caawiyaan Soomaaliya balse waxaa muuqata in arrintaasi aysan waxba ka suurtoobin.

Lacagaha loogu yabooho Soomaaliya inta badan ma soo galaan waddanka, haddaba maxaa sababay in ay soo galiweyso lacagta layaboohay gudaha dalka, waxaa arrintaasi ka hadlaya Bashiir Cabdulqaadir oo bartay Cilmiga xiriirka caalamiga ah.

“Deeq isasiinta caalamka kuma imaato mid asxaan iyo bilaash ah, mid kasta waxaa ka dambeysa dan oo dowladda ku siineysa kaalmada ay kaa leedahay, sida badan waxay noqotaa lacagta la yaboohaayo waa mid dowlado kala duwan ay yabooheen, sida loo bixinaayo dowlad walba waxaa ay wadataa sharuud u gaar ah,majirto bulsho Caalam oo mideysan lahna hal dan waa dowlado kala duwan oo mid walba dan gooni ah ay wadado, marka taas ayaa keeneysa in wixii la yaboohay ay meeshii larabay ay gaaraan”.

Dhanka kale aqoonyahan Yaasiin oo bartay Cilmiga dhaqaalaha ayaa aaminsan in wadamada yaboohay lacagaha ay markii hore qaab siyaasadeysan ay ugu dhawaaqeen ballan-qaadkooda.

“Dadka marka ay yimaadaan Shirarka oo ay wax ballanqaadayaan una laabtaan wadamadooda waxaa ku adkaaneyso in ay ballanmadoodii ay ka soo baxaan, maxaa yeelay canshuuro laga soo aruuriyey shacabkooda ay ku saabsantahay lacagta, waxaa ku adkaaneyso in baarlamaanka waddankiisa uu ansixiyo lacagta la yaboohay”.

Bishaan dhexdeeda ayey aheyd markii shirkii Brussels ee looga hadlayey arrimaha Soomaaliya loogu yaboohay lacag ka badan 100 kun oo Yuuro.

Goobjoog News