U bood dhigaalka

Aqoonyahanno Riwaayad iyo Marin Habaabin Ku Tilmaamay Guddiga Maalmaha Xuriyadda

Sheeko:Dalka

Iyada oo maanta ay kulmeen guddi ay dowladdu federaalka ah ku sheegtay iney qaban-qaabinayaan maalmaha xuriyadda ayaa waxaa riwaayad iyo qorshe xumi ku tilmaamay aqoonyahanno nala hadlay.

Aqoonyahannada ayaa isweydiiyey muhiimadda guddiga, micno darrida uu dalka ugu fadhiyo iyo sababta ay shacabka u mashquulineyso iyada oo Soomaaliya wajaheyso caqabado badan oo wasiirrada sida gashaandhigga iyo warfaafinta loo baahnaa iney ku mashquulaan.

Dr. Xasan Sheekh Cali oo la hadlay Goobjoog News ayaa sheegay iney tahay guul-darro iyo riwaayad “Haddii dowlaha ay ku fashilmaan adeeg dadweyne oo dhameystiran, waxaa caadi ah in dowladdu dadku u dejiso riwaayad iyo marin habaabin iyada oo dadka uga dhgigeyso iney shaqo qaran socoto”.

Dr. Cali waxaa uu intaasi raaciyey in dowladda ay caadeysatay iney dadka ku madadaaliiso sawirro iyo wax aan jirin si maskaxda dadka aaney u aadin baahida muhiimka ah, waana noo ka mid ah cilmiga siyaasadda.

Dhankiisa, Prof. Cabdullahi Shirwac ayaa isna ku tilmaamay arrimaha maalmaha xuriyadda dacaayad iyo waqti lumis isaga oo arrintaas Goobjoog News kala hadlay waxaa uu yiri “Dib u soo doorasho iyo olole siyaasadeed ayaan u arkaa, waa barnaamij ay wadeen tan iyo taalooyinkii iyo isxilqaanka”

Cabdullahi Shirwac oo sii hadlaya“Waa borobagaan iyo maaweelo, waxay aheyd in laga fekero waxa dalka muhiim u ah sida gurmadka,  fatahaadihii iyo abaarihii in dadkaas loo gurmado”.

Dowladda federaalka ah ayaa intii ay xoogga saari laheyd isu soo dhowaanshiyada dowladda federaalka ah iyo kuwa xubnaha kaha ah, amniga deegaan doorashooyinka, dastuurka iyo arrimaha kale ee muhiim ka ah waxaa ay in ka badan 50 qof u saartay dabaaldegga 60 sano guurada xuriyadda, taas oo aan la weydiin umadda in muhiim loo arko iyo in kale.

Goobjoog News