U bood dhigaalka

Aqoonyahanno Sheegay In Soomaalida Ay Dan Ku Qabi Doonto Khaadka Laga Keenayo Itoobiya

Sheeko:Dalka

Aqoonyahan C/laahi Maxamed Cismaan oo bartay xiriirka caalamiga ah ayaa sheegay in Khaadkii laga keenayey Kenya uu ka faa’ido badan doono kan Itoobiya, marka loo eego xiriirka ganacsi ee Soomaaliya iyo Itoobiya.

Waxa uu sheegay aqoonyahankan in Itoobiya dhankeeda iibsan doonto Kalluunka iyo Khudaarta dalka, taasi oo keeneysa in ganacsiga Labada dal uu sii ballaarto.

Kenya ayaa khaadka ay keeneysay waxa ay ku bedalaneysay lacag, islamarkaana ma jirin wax ay dalka ka qaadan jirtay.

Aqoonyahankan ayaa ku baraarijiyey ganacsatada Soomaaliyeed suuqooda cusub ee Itoobiya, sheegayna in markaan ay fursado ganacsi heli doonaan dalagyo badan oo dalka ka baxa.

Halkaan hoose ka dhageyso:

Goobjoog News