U bood dhigaalka

Aqoonyahanno Soo Saaray Baaq Ku Aadan Faraggelinta Ay DF Ku Heyso Doorashada Koonfur Galbeed

Sheeko:Dalka

Aqoonyahanno ka kooban 24 xubnood ayaa soo saaray baaq ku aadan faraggelinta dowladda federaalka ah ku heyso doorashada koonfur galbeed.

Qoraal ay aragtay Goobjoog News waxaa ku qornaa in isbadalkii ka dhacay guddiga doorashada kadib ay dowladda federaalka ah isticmaaleyso waddo qaldan oo intii ay ka shaqeyn laheyd dimoqoraadiyadda iyo sareynta sharciga ay isku dayeyso inay saameyso natiijada doorashada.

Aqoonyahankan waxaa ay walwal ka muujiyeen  in faraggelintaas sharci-darradaha ah ay dadka ka hor istaageyso inay doortaan qof ikhtiyaarkooda ah iyo inay horseedi-doono fowdo iyo colaad.

Qodobbada Ay Dowladda Federaalka Ah Ku Eedeeyeen:

1. Dowladda federaalka ah waxaa ay isticmaaleysaa jid qaldan oo ku carqaladeynso doorashada iyada oo soo saareysa murashaxa ay wadato, waa intii ay ilaalin laheyd sharciga, arrintaas waa dib u soo celin kartaa colaado hubeysan.

2. Waxaa jira warar sheegaya inay murshaxiinta qaar la shakigelinayo heybtooda si aaney ugu tartamin doorashada koonfur galbeed.

3. Is-casilaadda guddoomiyaha doorashada, ku-xigeenkiisa, afhayeenka waa faraggelin qaawan oo lagu sameeyey hannaanka doorashada.

4. War-murtiyeedka odayaasha dhaqanka oo ay dib ugu dhigeen November 17, 2018 iyo xildhibaannada Muqdisho la geeyey si loo laaluusho dhammaan waa taktiko ay dowladda isticmaaleyso si murashaxeeda u soo baxo.

5. Waxaa jira war-murtiyeed ay soo saareen murashaxiinta isbadal-doonka oo dowladda ku eedeeyey faraggelin, qaraabeysi iyo codad la iibsado, si uu u soo baxo murashaxeeda.

6. Iscasilaadda madaxweynaha koonfur galbeed iyo inuu tanaasulo waa cadaadis ay saartay dowladda federaalka ah si ay isbadal ugu sameyso nimaadka, laakin waxaa ay aheyd in isbadalka ku yimaado qaab dimoqoraadi ah.

Ugu dambeyntii, waxaa ay ugu baaqeen dhammaan dhinacyada inay ixtiraamaan dimoqoraadiyadda, doorashadana u dhacdo qaab hufan. In doorashada u dhacdo si waafaqsan dastuurka koonfur galbeed, In guddiga doorashada ay shaqadooda wataan iyada oo aaney faraggelin dowladda federaalka ah.

Waxaa Saxiixay Qoraalka:

1- Prof. Abdi Mohamed Kusow, Michigan, USA
2- Prof. Mohamed Haji Mukhtar, Georgia, USA
3- Hon. Mohamed Ali Hamud, former Finance and Foreign Minister, Australia.
4- Dr. Mohamed Hussein Moalin, Norway
5- Prof. Mohamed Ali Kalay, Baidoa, Somalia
6- Hon. Sadiq Abdullahi Abdi, Former Minister of Public Works, Minnesota, USA
7- Hon. Abdirashid Abdullahi, Former Minister of Defense, Baidoa, Somalia
8- Subaida Mohamed Mukhtar, Former Secretary General of Banadir Administration
9- Hon. Famey Mohamed Nur, London, UK
10- Mohamed Ali Aden, (Wanaag)Toronto, Canada
11- Yasin Abicar, journalist, Toronto, Canada
12- Hassan Adam Hosow, Edmonton, Canada
13- Sharif Mohamed Haji, Edmonton, Canada
14- Awes Sheikh Muheidin Amin, Melbourne, Australia
15- Aden Batar, Salt Lake, Utah, USA
16- Hassan Ibrahim Aden, Trondheim, Norway
17- Fawsi Abdinur, Southwest Scholars Council, Baidoa, Somalia
18- Abdulkadir Bulle, Southwest Scholars Council, Baidoa, Somalia
19- Kassim Mohamed, Southwest Scholars Council, baidoa, Somalia
20- Luul Isaaq Aden, Civil Society, Baidoa, Somalia
21- Isack Hassan Hussein, Melbourne, Australia
22- Abdullahi Haji Ali, Dubai, UAE
23- General Mohamed Atosh, Melbourne, Australia
24- Abdirashid Haji Hassan, London, United Kingdom

Goobjoog News