U bood dhigaalka

Aqoonyahano ka hadlay xiisada badda ee ka dhex taagan Soomaaliya iyo Kenya

Sheeko:Dalka

28-kii bishii tagtay dowladda Federaalka Soomaaliya waxa ay warqad u gudbisay maxkamadda caalamiga ee cadaalada (ICJ) ayada oo ka dalbatay qaramada midoobay in ay samayso xuduud badeed cad oo kala saarta wadamada Soomaaliya iyo Kenya.

Qaar ka mid ah aqoonyahanada soomaaliyeed ee ku xeel dheer shuruucda badaha ayaa aaminsan in dowladdii hore ee Soomaaliya ay dhacday ayadoo laga sugayo in ay sheegto xuduudda badaheeda, balse arrintaasi ma dhicin ee waxaa meeshaba ka baxay dowladdii Soomaaliya oo laba sano kadib markii ay sharcigaas ogolaatay burburtay.

Kenya nafteedu waa laga sugayay in ay soo sheegto xuduuddeeda badda waxa ay arrintaa ka jawaabtay sanadkii 2002-dii laakiin saddex sano kadib 2005-tii Kenya waxa ay bedeshay xudduudeedii badda maadaama meelo aan markiii hore xisaabta ugu jirin shidaal iyo macdan laga sheegay.

Taasina waxa ay iska hor keentay Soomaaliya iyo Kenya oo markii horeba xurguf dhuleedi dhex tiilay mana aysan u suurta gelin in ay dhaxdooda heshiiyaan halkaas ayaan waxaa ka sii dhashay in maxkamadda caalamiga ah ee caddaaladda la aado.