U bood dhigaalka

Aqriso Bisha May Iyo Dhacdooyinkii Ugu Waaweynaa Isboortiga Dalka

Sheeko:Cayaaraha

Goobjoog news qeybta ciyaaraha waxa ay kuu soo gudbinaysaa dhacdooyinkii ugu waaweynaa ciyaaraha dalka iyo bisha May 2019,horayna waxaan idinku soo bandhignay bilihii lasoo dhaafay Janaayo,Febraayo,Maarso iyo April waana markii ugu horeesay taariikhda in sidaas loo soo bandhigo bil kasta dhacdooyinka isboortiga Soomaaliya.

01-May 2019-Xiriirka kubbadda cagta aduunka ee FIFA iyo kan qaarada Afrika ee CAf ayaa si weyn u amaanay abaabulka xoogan iyo dhisidda da’yarta kubbadda cagta Soomaaliya,iyagoo Xiriirka kubbadda cagta Soomaaliya ku amaanay juhdiga ay ku bixiyaan da’yarta kubbadda hadana ku jirta heerka wax barasho waxayna balan qaadeen in Soomaaliya ku taageerayaa dhisidda ciyaaryahanada da’yarta.

02-May 2019- Kooxda Kubbadda Cagta Raadsan ayaa ku guuleystay horyaalka heerka 2aad ee (Division 1) xilli cayaareedka 2018-2019, iyadoo u soo gudubtay ka ciyaarista horyaalka Somalia Premier League fasal ciyaareedka 2019-2020 waxaana kooxdan koobka u qaaday tababrihii hore kooxda Heegan horyaalka Soomaaliya kula guulaystay xili ciyaareedkii 2014-2015 Axmed Cabdiraxmaan Cumar (Gadaamow).

03-May 2019-Kooxda kubbadda Cagta Rajo Football Club ayaa in ka badan 20-sano ka dib usoo gudubtay ka dheelista horyaalka Somalia Premier League ka dib markii ay kaalinta 2aad kaga dhamaysteyn horyaalka 2aad ee (Division 1) horay waxaa kooxdan la oran jiray Haajis waxaana kasoo baxay ciyaartooyd badan.

04-May 2019-Orodyahan Cabdi Daa’uud Rooble ayaa guulo waa weyn ka gaaray labo tartamo ka kala duwan oo kaga qey galay dalalka Germany iyo Zambia.

05-May 2019-Xiriirka kubbadda cagta Soomaaliya ayaa caasimada Muqdisho ka daah Furay tartanka iskuulada Gobolka Banaadir 2019 ee (Youth League) waana sanadkii 4aad oo xariir ah ay tartanka qabanayaan waaxda dhalinyarada Xiriirka kubbadda cagta Soomaaliya.

06 May 2019- Guddiga dhismaha garoonka kubbadda Cagta Mire Awaare ee magaalada Garoowe ayaa kulan  la qaatay Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka  Soomaaliya, Mudane Xasan Cali Khayre oo dhaqaale lacageed ku taageeray dhismaha garoonka Mira Awaare,iyagoo Raysal wasaaraha warbixin ka sameeyay halka uu marayo qorshaha dhismaha.

07-May 2019- Oradyahanka heerka caalami ee dalkeena Soomaaliya Cabdi Daaud Rooble oo caan ku ah orodka masaadafada fog sida, 5,000, 1000, 10 KM, 22 Km iyo Maratahon-ka ayaa markale lasoo baxay wacdaro ciyaareed natiijo guul uu sare uga qaaday calanka Soomaaliya kadib markii uu kaalinta saddexaad ka galay orodka 10km wuxuuna sanadka u ahaa mid cajiib ah.

08 May 2019– Guddoomiyaha xiriirka Soomaaliyeed ee kubbadda cagta Cabdiqani Saciid Carab iyo wafdi la socday ayaa gaaray magaalada Garoowe ee maamulka Puntland waxaan halkaas kaga horeeyay Jamaal Xaashi Tuure tan iyo markii dib loo doortay Cabdiqani Saciid Carab iyo xubanaha xiriirka kubbadda cagta Soomaaliya 15November 2018 waxa ay balanqdeen in horomarinta kubbadda cagta gobolada dalka.

09-May 2019-Guddoomiyaha xiriirka kubbadda cagta Galmudug Cabdifitaax Cabdullahi Warsame (Badshaa) ayaa sheegay in is badal weyn lagu sameyndoono kooxda Galmudug ee ka qeyb galaysa tartanka kubbadda cagta Maamul Goboleedyada iyo Gobalka Banaadir.

10-May 2019- Xidigihii hore kooxaha kubbadda cagta Elman iyo Horseed Ciise Minhaaj iyo Maxamed Cabdiraxiin Cali ayaa nasiib u yeeshay ciyaaryahano laga soo aruuriyay da’yarta gobolada dalka Kenya oo tababaro iyo kulamo saaxiibtinimo ku dheelay wadanka Spian,iyagoo sidoo kale si toos ama (Live) garoonka Campnuo ku daawaday kulan ciyaareed u dhaxeeyay kooxaha Barcelona iyo Getafe kaas oo ka tirsanaa horyaalka laligaha ee dalka Spain.

11-May 2019- Yoonis Cabdrisaaq Faarax oo ka mid ah ciyaartooy Soomaaliyeed ee xirfada wanaagsan kana ciyaara yurub ayaa ku biiray kooxda Trysil ee dalka Norway xidigan ayaa horay ugu tirsanaa kooxda Southend ee dalka UK waxaana laacibkan dhalay ciyaaryahankii hore kooxaha Madbacada Qaranka iyo Horseed Cabdirisaaq Faarax Garoojoe oo iminka ah guddoomiyaha kooxda kubbadda cagta Elman.

12-May 2019-Xiriirka Kubbadda Cagta Soomaaliya ayaa macalimiinta kala ah Ignatius & Jerry oo kasoo jeeda dalka Ghana u magacaabay xulka qaranka Soomaaliya, Ignatius ayaa loo dhiibay xulka da’yarta,halka Jerry isna loo magacaabay tababaraha goolhayaasha Soomaaliya labada macalin ayaa u mahad celiyay xiriirka kubbadda cagta,iyagoo sheegay in ay ciyaaraan doorkooda horomarinta kubbadda cagta Soomaaliya.

13-May 2019-Xoghayaha Xiriirka Soomaaliyeed ee kubbadda Cagta DR.Yuusuf Muxidiin Axmed ayaa safarkii kowaad ugu u ambaxay dalka Malawi,isagoo ka qeybgalay shir looga hadlyay horomarinta kubbadda cagta iyo dhisidda ciyaartooyda da’yarta ee loo yaqaano (Grass Root) waxayna u aheyd socodaalkii 1aad oo safar banaanka u aado tan iyo markii loo magacaabay xilkan 16Febraayo 2019.

14-May 2019-Madaxweynaha Maamulka Puntland Saciid Cabdullahi Deni ayaa xafiiska ku qaabilay Cabdiqani Saciid Carab oo ah guddoomiyaha xiriirka kubbadda cagta Soomaaliya,Cabdullahi Sheekh Nuur Axmed guddoomiye ku xigeenka 2aad,Cabdulahi Cusmaan Daamey oo ah madaxa suuqdeynta xiriirka iyo agaasimaha ciyaaraha iyo dhalinyarada Puntland Axmed Cabdalla Tigaana waxaana kulankaas loogu wada hadlay horomarinta ciyaaraha iyo dhalinyarada Puntland,madaxweyne Deni ayaa sheegay in maamulkiisa uu diyaar u yahay in ay ka go’antahay garab istaagida bahda ciyaaraha Puntland.

14-May 2019-Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliya ayaa tabar u soo xeray 34 macalin oo ka kala socday horyaalka heerka 2aad iyo iskuulada ka qeybgalaya tartanka dugsiyada 2019 waxaana tababarkan bixinayay macalimiinta farsamada xiriirka kubbadda cagta dalka.

15-May 2019-Maxamed Cali Jabane oo ah kaaliya Xiriirka Soomaaliyeed ee kubbadda cagta Soomaaliya ayaa kulan xog waraysi ah degmada Cadaado kula qaatay guddoomiyaha xiriirka kubbadda cagta Galmudug Cabdifataax Cabdullahi Warsame labada dhinac ayaa ka wada hadlay baahiya iyo waxyaalaha ay u baahanyihiin in laga taageero xiriirka kubbadda cagta Galmudug,si dhalinyarada ku nool deegaanada Galmudug ay u helaan qorshaha horomarinta.

16-May 2019- Tartanka kubbadda cagta oo loogu tala galay horomarinta caruurta agoonta Booliska iyo Asluubta ayaa ka furmay magaalada Muqdisho,maamulka xarunta barbaarinta caruurta agoonta ayaa tartamo kala duwan u qabta dhalinyarada,iyagoo u diyaariyay garoomo kubbadda cagta iyo kubbadda kolayga.

17-May 2019- Guddoomiyaha Garsoorka Soomaaliya Xasan Aadan Xaaji Yabarow Wiish ayaa saddex sano ka dib kasoo muuqday dhex dhexaadinta ciyaar kubbadda cagta ah oo gudaha wadanka,isagoo garsooray kulan ay wada ciyaareen caruurta agoonta ee booliska Soomaaliyeed,Garsoore Wiish ciyaar oo dhex dhexaadiya waxaa ugu danbeesay October 2016 kulan ay wada ciyaareen kooxaha Banaadir SC iyo Heegan.

18-May 2019-DR Yuusuf Muxidiin Axmed oo ah xoghayaha guud ee xiriirka kubbadda cagta Soomaaliya ayaa kusoo laabtay caasimada Muqdisho,isagoo sheegay in shirkii uu ka qeybgalay Malawi lagu soo bandhigay arimo badan oo ku aadan horomarinta kubbadda cagta,Soomaaliyana laga doonayo in ay qibrad ka qaato sida ay u shaqeeyaan xiriirada caalamka si loo gaaro heegsi dheer.

19-May 2019- Maamulka Isbortiga Degmada Shibis ayaa soo bandhigay koox dhalinyaro ah oo ay da’dooda u dhaxayso 10-20 jir ee oo loo diyaarinayo mustaqbalka xulka qaranka kubbadda Kolayga Soomaaliya waxaana mashruucan hindisay Macalin Daa’uud Axmed Dheere oo horay ugu soo dheelay kooxda dowladda hoose ee Muqdisho City Club iminkana ah madaxa horomarinta ciyaaraha Maamulka Gobolka Banaadir.

20-May 2019- Laacibka kooxda Horseed Sports Club Maxamed Cabdi Nuur (Mayman) ayaa saddex sano ka dib kusoo laabtay ka mid noqshada xulka qaranka Soomaaliya ee (Ocean Stars),Mayman waxa uu sheegay in uu aad ugu faraxsanhay kusoo laabashada safka xulka.

21-May 2019-Siham Ibrahim ayaa ku guuleysatay tartankii Tour championship waxeyna ka qeeb Gali doontaa koobka Adduunka ee Golf-ka oo ka dhacay North Carolina ee Mareekanka,waxey noqonaysaa markii ugu horeysay oo Soomaaliya ay ka qeeb gasho,xariirka Golf-ka ayaa guulo waaweyn saameyay sanadihii danbe.

22-May 2019-Bashiir Maxamed Aw Cali oo ah wasiirka ciyaaraha iyo dhalinyarada Galmudug ayaa sheegay in wasaarada ciyaaraha Dowladda dhexe ee Soomaaliya ay ka rajaynaa in ay si wanaagsan u fahmaan in isboortiga uu ka madaxbanaan yahay arimaha la isku hayo ee siyaasadda,loona baahanay in laga shaqeeyo horomarinta ciyaaraha iyo fursadaha ay u baahan yihiin dhalinyarada ku nool gobolada Soomaaliya.

23-May 2019-Madaxweynaha maamulka Puntland Saciid Cabdullahi Deni ayaa dhalinyarada ku nool deegaanada Puntland u sheegay in uu maamulkiisa uu da’daal badan ku bixinayo dhismayaasha garoomada kubbadda cagta Puntland,isagoo dhalinyarada  u balanqaaday in labada sano ee soo aadan ay helayaan goobo tayaysan ay ku soo bandhigaan xirfadooda.

24-May 2019-Guddoomiyaha Gobolka Wajir Maxamed Cabdi ayaa bogaadiyay kooxda Northern Wanderers oo laga dhisay gobolka waqooyi bare ee Kenya,iyagoo ka qeyb galaya ciyaaraha horyaalka ee Kenyan Premier League,yoolkeeda taa siyaasiinta Soomaaliyeed ee xilalka waaweyn ka hayo wadanka Kenya ayaa si weyn u taageeray qorshaha horomarinta kooxda Northern Wanderers.

25-May 2019-Wafdi uu hoggaaminayo Guddoomiye ku xigeen arrimaha horumarinta gobollada Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadda cagta, Abuukar Isloow  Xasan ayaa gaaray Magaalada Jowhar ee Maamulka HirShirshabeelle,socdaalkaa waxa uu qeyb ka ah dadaallada horumarineyd ay qaateen X.K.Cagta Soomalaiya.

26-May 2019-Guddoomiyaha Xiriirka Kubbadda Cagta Soomaaliya Cabdiqani Saciid Carab ayaa ganacsatada Soomaaliyeed ka codsaday in ay ka qeyb qaataan dhisidda da’yarta kubbadda cagta ee la doonayo in ay wax ka badalaan wadanka iyo in ay dhiiri geliyaan ciyaaryahanada ka dheela dalka.

27-May 2019-Guddoomiye ku xigeenka horomarinta kubbadda cagta maamul Goboleedyada ahna guddoomiyaha warbaahinta xiriirka Soomaaliyeed ee kubbadda cagta Abuukar Islaw Xasan iyo wasiir ku xigeenka ciyaaraha iyo dhallinyarada Hirshabeele Cumar Maxamed Cumar ayaa si wadajir Magaalada Jowhar xarigga uga jiray xafiisyada ururada horomarinta kubbadda cagta maamulka Hirshabeele.

28-May 2019-Madaxweyne ku xigeenka Maamulka Hirshabeele Cali Guudlawe Xuseen iyo Guddoomiye ku xigeenka horomarinta kubbadda cagta maamul Goboleedyada ahna guddoomiyaha warbaahinta xiriirka Soomaaliyeed ee kubbadda Abukar Islaw ayaa kulan kuwada yeeshay magaada Jowhar waxaana kulankaa loogu wada hadlay horomararka kubbadda cagta Hirshabeele iyo la soo gaarsiiyo mashaariicda kubbadda cagta Soomaaliya maadaama gobolkan uu waligiis caan ku ahaa nuucyada kala duwan ee ciyaaraha.

29-May 2019- Da’yarta Xulka Qaranka 14-jirada Teeniska Dheer ayaa guul mubiim ah ka gaaray ciyaar ka tirsan Isreeb reebka Africa oo ka dhacday Magaalada Nairobi ee dalka Kenya,ciyaaryahanka Soomaaliyeed Maxamed Daahir Axmed ayaa ka badiyay Ciyaaryahan ka socda dalka Seychelles.

30-May 2019-Daa’uud Cabdullahi Tubaal oo ka tirsan kooxda kubbadda cagta Dekedda ayaa sheegay in ay kooxdiisa ay sanadkii saddexaad xariir ah ay  ku guulaysan karto horyaalka Somalia Premier League wuxuuna laacibkan ka mid ahaa xidigihii kasoo dhaqaaqay naaidga L.L.P Jeenyo wuxuuna fasalkii 1aad kooxdiisa la hantay horyaalka Somalia Premier League iyo Somali Super Cup.

31-May 2019-Ciyaaryahanada xulka Qaranka ayaa guul ka gaaray kooxda Dowladda Hoose Ee Muqdisho City Club kulanka ayaa ahaa mid saaxiibtinimo waxaana 2-0 guusha ku qaatay xidigaha Ocean Stars,sidoo kale horaantii May da’yarta M.C.C ayaa iyagana 2-0 kaga badiyay dhigooda ee 17-jirada xulka qaranka.xulka ayaa labadii ciyaaro saaxiibtinimo la ciyaaray kooxaha kala duwan ee kubbadda cagta.

Halkan Daawo Warbixinta Dhacdooyinka Bisha May 2019 Oo Ay Goobjoog Kuu Soo Diyaarisay

https://www.facebook.com/goobjoognews/videos/406747473503891/

 W/D-Maxamed Xuseen Qalinle

Email[email protected]