U bood dhigaalka

Aqriso Tirada Kooxda Muqdisho City Club Ee Qeybta Ka Ah Safka Xulka Qaranka Soomaaliya 2019

Sheeko:Cayaaraha

Ilaa 7 ciyaaryahan oo ka tirsan kooxda dowladda hoose ee Muqdisho City Club ayaa loogu yeeray waajibaadka xulka qaranka Soomaaliya sanada 2019 waxaana arintan si weyn usoo dhaweeyay maamulka iyo taageerayaasha kooxda.

Ciyaartooyda Muqdisho City Club Laga Soo Xulay Waxa Ay Kala Yihiin

-Axmed Cabullahi Cabdi (Baanuu)-(Daafac)

-Qeys Cabdulle Macalin Aadan (Weerar)

Cali Cumar Cali (Cali Yare) (Qad Dhexe)

Xasan Maxamed Aadan  (Qad Dhexe)

Ciise Cabdulqadir Ibraahim (Daafac)

Abuukar Cabdulahi Siidow (Daafac)

Cabdiraxmaan Mahdi Ciise (Maaneey) (Gool Haye)

“Waa guul iyo sharaf usoo hooyatay maamulka kooxda Mogadishu City Club waan ku kalsoonahay tayada xidigaha laga soo xulay kooxdeena,wayna ku mahadsanyihiin macalimiinta farsamada X.K.Cagta”waxaa Goobjoog Sports ugu waramay guddomiyaha naadiga Muqdisho City Club Abukar Maxamed Sheekh.

Qeys Cabdulle Macalin oo ku hadlay magaca ciyaarayahanada qeybta ka ah xulka ayaa sheegay in si wadajir ugu faraxsanyihiin arinakan taageerayaasha xulka qaranka ay u keenidoonaan natiijooyin aad u wanaagsan oo horomarka dalka.

“Tani waxa ay ku timid xulshada tababarayaasha xulka qaranka,balse aniga waxaan aaminsanahay in aan sameeyay horkac wanaagsan waxaana taa ku mahadsan Allah iyo intii gacan ka geesatay dadaalkii aan soo bixiyay”waxaa sidaas Goobjoog Sports u sheegay goolhayaha M.C.C Cabdiraxmaan Mahdi Ciise .

Macalimiinta naadiga Muqdisho City Club ayaa iyaga qodhooda sheegay in arinta ay ku timid shaqada adag ay qabteen xidigaha iminka qeybta ka ah safka xulka ayna ka sugayaan natiijo wax ku ool ah.

“Waxaana u rajaynayaa in ay Soomaaliya u keenaan sharaf iyo guul ani ahaan waan ku kalsoonahay xirfadooda,taageerayaasha kooxdana si wanaagsan ayay wararkan ula dhacsanyihiin” waxaa Goobjoog Sports ugu waramay Cabdiqaadir Xaaji Muxidiin (Dacaroo ka mid ah maamulka Muqdisho City Club.

Halkan Ka Daawo Ka Daawo Warbixin Ku Saabsan Kooxda Muqdisho City 

https://www.facebook.com/goobjoognews/videos/875931362789376/

W/D-Maxamed Xuseen Qalinle