U bood dhigaalka

Aragti: Khilaafka Heshiiska Berbera Muxuu u Dhimi Karaa Wadahadalladii DFS Iyo Somaliland

Sheeko:Dalka

Shacabka ku dhaqan magaalada Muqdisho ayaa qaarkood waxay ka aragti dhiibteen isbeddelka ku imaan kara wadahadalladii u dhaxeeyay dowladda federaalka Soomaaliya iyo Somaliland maaddaama hadda uu jiro muran ku aaddan heshiiska dekadda Berbera.

Goobjoog News, oo la hadashay dadkaan ayaa qaarkood waxay sheegeen in wadahadallada aanay wax caqabad ah ku imaan karin, sababtuna waxay ku sheegeen inay tahay Labo arrin oo kala duwan.

Sidoo kale, dadka qaar ayaa qaba aragti ah in arrinta Berbera ay horseed u noqon karto inuu burburo wadahadalladii DFS iyo Somaliland ee muddada soo socday.

Xasan Cali Muuse: Wax badan bay Berbera u dhimeysaa, heshiiskaasi lama caddeyn, wadahadalladii Labada dhinac caqabad bay ku keeneysaa, waxaana qabaa in laga fiirsado.

Haweeney magaceeda ka gaabsatay: Wadahadalkaan waa mid Soomaaliyeed, waxna uma dhimayo arrintan, Somaliland waxa waaye maamul goboleed oo kale, waxaan is leeyahay waa laga yaabaa in ay dowladda Soomaaliya soo raacin, waxaana qabaa shaqsi ahaan in arrintan aanay waxba u dhimi karin wadahadalladii socday.

Qof kale ayaa yiri: Waxaan ahayn markii hore dowlado hore oo midoobay, waxaa loo baahan yahay in la tixgeliyo xorriyaddii aan ku midownay, waxay ila tahay in howsha Berbera tahay mid u baahan in si hoose loo xalliyo, Koonfur haddaan nahay waa in aan xaqdhowrnaa Waqooyiga, iyaguna ay xaq dhowraan calankii, midnimadii iyo midowgeennii.

Baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa maanta soo saaray xeer uu dalka uga mamnuucayo shirkadda DP World.

Goobjoog News