U bood dhigaalka

Aragtida Dadweynaha Iyo Saameynta Uu Internet La’aanta Ku Yeeshay

Sheeko:Dalka

Shacabka ku nool magaalada Muqdisho ayaa waxay ka aragti dhiibteen saameynta uu ku yeeshay Interneetka .

Qaar ka mid ah shacabka oo Goobjoog News u waramay ayaa waxay ka cabanayaan saameynta ay ku yeelatay Interneet la’aanta ka jira dalka .

Maxamed Bashiir waxaa uu ka mid yahay dadka ku dhaqan magaalada Muqdisho waxa uu sheegay in Interneetka uu ku yeeshay saameyn weyn waxa uuna yiri.

“Interneetka sida aad la socotiin waa isku xiraha aduunka, waayo xag ganacsi iyo xag dhaqaalaba waxa uu ahaa wax weyn waxaa la dareemayaa maadaama uu go’ay isbuucaan lagu jiro dhago la’aan iyo indho la’aan ayaan noqonnay”.

Liibaan Xuseen waxa uu ka mid yahay ardeyda ku dhaqan magaalada Mugadisho waxa uu ka cabanayaa saameynta uu ku yeeshay Interneetka maqan waxa uu sheegay in uu casharro ka baran jiray qaraabadiisana uu kala xiriiri jiray .

“ Waxaa si aad ah uga cabanayaa Interneetka oo naga go’ay waxaan ka soo dajisan jirnay casharro aad u badan, sidoo kale waxaan kala hadli jirnay qaraabadeena ku dhaqan dibadda iyo dalka”.

Fahmo Daahir Tahliil waxa ay ka mid tahay dhalinyarada ku dhaqan magaalada Muqdisho waxayna ka mid tahay dadka aad u isticmaala Interneedka waxay ka cabanaysaa Interneed la’aanta ka jirta dalka

“ Maanta Interneetka saameyn weyn ayuu igu yeeshay maalinta uu go’ay ilaa iyo hadda waa ka naxsanahy “.