U bood dhigaalka

Arday Dhaliil u Jeediyey Wasaaradda Waxbarashada Dowladda Federaalka

Sheeko:Dalka

Arday Soomaaliyeed oo ku sugan dalka Kenya kuna guuleystay Imtixaan ay qaadday safaaradda India ee dalkaasi helayna deeq waxbarasho ayaa sheegaya in wasaaradda waxbarashada dowladda Federaalka ka hor istaagtay in ay baxaan.

Qaar ka mid ah ardaydan oo la hadlay Goobjoog News iyaga oo ku sugan magaalada Nairobi ayaa waxay cabasho ka muujiyeen habka wasaaradda waxbarashada uga hor istaagatay deeqdan waxbarasho ay heleen, waxaana ay ugu baaqeen madaxda dowladda Federaalka in arrintaan soo fara geliyaan.

Cali C/kariin Cismaan oo ka mid ah ardaydan ayaa u sheegay Goobjoog News in safaaradda Soomaaliya ku leedahay Nairobi ay iyagu soo dhameeyeen in imtixaanadan la galo, hase ahaatee markii ay guuleysteen ay wasaaradda waxbarashada u diiday in ay baxaan.

“Annaga waxaan eeganeynay dowladeena Soomaaliya markii wax walbo inoo dhamaadeen kaliya aan rabnay inaan baxno ayeey naga hor istaagtay wasaaradda Waxbarashada, waxaa naloo sheegay in dowladeena na diiday oo aanay ogoleen inaan baxno, marka waxaan leeyahay maxaan innagu haleynay oo naloogu diidaa maadaama aan imtixaankii ku guuleysanay, sidoo kalena aan qarash galnay wax walbo diyaarsannay” ayuu yiri Cali C/kariin.

Dhanka Kale Goobjoog News ayaa wax ka weydiisay arrinkan C/risaaq Maxamed Diiriye oo ah u qaabilsanaha safaaradda Soomaaliya dalkan Kenya dhanka waxbarashada iyo arrimaha dhaqanka waxa ay uga jawaabayaan cabashooyinka ay soo gudbiyeen ardayday maadaama safaaradda Soomaaliya ay ardaydan horay ugu dirtay intixaankii ay qaadeysay safaaradda India ee dalka Kenya.

Waxa uu sheegay C/risaaq in arrintan ay ku xiran tahay wasaaradda waxbarashada islamarkaana ay iyadu is hortaagtay in ardaydan baxaan, waxaana uu tilmaamay in dhanka wasaaradda waxbarashada ka socon weysay oo wasiirka iyo agaasimaha wasaaradda waxbarashada ku adekeysteen in iyagu liis dambe keeni doonaan waa sida uu hadalka u dhigaye.

Wasaaradda waxbarashada dowladda Federaalka Soomaaliya weli wax jawaab ah kama aanay bixin dhaliishan loo deejinayo.

Xasan Sheekh Cumar

Nairobi, Kenya

Goobjoog News