U bood dhigaalka

Arday Ka Timid Baraawe oo Muqdisho Ku Galaya Imtixaanka Shahaadiga ah

Sheeko:Waxbarashada

Wasaaradda waxbarashada xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa ka jawaabtay cabashada arday aan gelin imtixaanka shahaadiga ee dugsiga sare, kuwaas oo ku sugnaa degmada Baraawe ee gobolka Shabeellaha hoose.

Diyaarad ayaa aradayda ka soo qaaday garoonka diyaaradaha Baraawe,  waxaana loo qaaday  dhanka magaalada Muqduisho, si ay imtixaanka uga qeeyb galaan, oo ardayda ay ku  jiraan maalintii 2-aad , oo shalay la daah furay.

Shalay ayaa waxaa baraha bulshada qabsaday muuqaalka arday kamid ah araday ku sugan Baraawe,  kaas oo sheegay in lagu war geliyey in imtixaanka ay ku galayaan magaalada Marko balse aysan suurto gelin arrintaas.

Ardayda ayaana ugu  baaqay madaxda dowladda Federaalka iyo kuwa maamulka Koonfur Galbeed ayay in ay ka caawiyaan oo ay  ka qeyb qaataan sidii ay uga qeyb geli lahaayeen Imtixaanka shahaadiga ah ee dugsiga sare.

Goobjoog News