U bood dhigaalka

Arday ka tirsan Jaamacada SIU oo u dhoofay Kampala si ay waxbarashadooda ugu soo dhameystaan Uganda

Sheeko:Dalka

Waxaa maanta garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho lagu qabtay munaasabad lagu sagootiyay 26 arday oo barnaamij waxbarasho u aaday dalka Uganda.

Ardaydan oo barta kulliyadda Caafimaadka ee Jaamacadda caalamiga ee Soomaaliya (SIU), isla markaana ah semester-kii sagaalaad ayaa muddo sanad ah waxbarashadooda ku soo qaadan doono Jaamacadda Makerere ee dalka Uganda  oo qeyb ka ah heshiis ay  labada Jaamacadood wada galeen bishii January ee sanadkan.

Ardayda waxaa sagootiyay mas’uuliyiin ay ka mid yihiin wasiirka caafimaadka ee xukuumadda Soomaaliya,  Wasiir ku-xigeenka Hidaha iyo Tacliinta sare, Xildhibaanno iyo Maamulka Jaamacadda SIU.

Wasiirka caafimaadka xukuumadda Soomaaliya Cali MaxamedCali (Cali Xareed) ayaa sheegay in wax lagu farxo ay tahay in arintan ay muujiso soo kabsashada waxbarashada dalka.

Prof Cabdiraxmaan Xaaji Ibraahim Aadan “Ibbi” oo ka mid ah mudanayaasha baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa tilmaamay saddex bil kadib ay kormeer ku sameyn doonaan ardayda heerkooda waxbarashada inta ay ku suganyihiin dalka Uganda, waxaana uu xusay in arrintanna uu la wadaagi doono mudanayaasha kale ee baarlamaanka.

Wasiir ku xigeenka hidaha iyo tacliinta sare Maxamed Axmed Kulan ayaa isna carabka ku adkeeyay in arday soomaaliyeed ay u ambabaxaan jaamacada Makarere ay la mid tahay in ay tahay guul u soo hoyatay bahda waxbarashada.

Waxa uuna la dardaarmay ardayda isagoo u sheegay in ay yihiin kuwo matalaya magaca soomaalida.

Guddoomiyaha Jaamacadda SIU Prof. Yaxye Cali Ibraahin ayaa ugu dambeyn sheegay in muddo ay soo wadeen sameynta xiriir waxbarsho oo wanaagsan oo kala dhaxeeya Makarere.