U bood dhigaalka

Arday Maktabad Buugaagta Lagu Akhristo Ka Furtay Buuhoodle

Sheeko:Dalka

Da’yar dhigata dugsiyada sare ee Buuhoodle ayaa furay maktabaddii ugu horreeysay ee lagu akhristo buugaag kala duwan, iyagoon wax lacag ah ka qaadin dadka soo booqanaya, waxay jeebkooda ka soo iibiyaan buugaagta, makatabaddan ayaa hoostagaysa naadiga akhriska iyo qoraalka ee AW Jaamac Cumar Ciise.

Guddoomiyaha naadigan akhriska iyo qoraalka ee Aw Jaamac oo la yiraahdo Jaamac Maxamed Xasan oo la hadlay Goobjoog News ayaa ka warbixiyay maktabadda iyo sida ay dadku ugu soo xirmayaan mudadkii koobnayd ee dhowr iyo taban cisho ee ay furneyd, waxa uuna yiri: “Dadka Deegaanku run ahaantii maktabadda way yimaaddaan, wax way ku akhriyaan, buugaagta way qaataan, way soo celiyaan, waxaan dareennay iney tahay baahi wayn oo bulshada reer Buuhoodle ay qabatay oo annagu aan buuxinnay, Labo mowduuc ayay weliba bulshada sii danaynaysaa waa Suugaanta iyo buugaagta sooyaalka Taariikhda ka waramaya.”

dadaallada ay ardayda waxbaraneysa waddo meel kasta oo ay Soomaali degan tahay ayaa ah wax lagu farxo lana dhiirrigeliyo, maadaama dadkasta ay ku meel maraan waxay iyagu gacmahooda ku qabsadaan.

Goobjoog News