U bood dhigaalka

Arday Soomaaliyeed Oo Ku Xiran Xabsi Ku Yaalla Jasiiradda Quburus

Sheeko:Dalka

Muwaadiniin Soomaaliyeed ayaa ku xiran jasiiradda Quburs, kuwaasi oo halkaasi u tagay waxbarasho.

Nasro Yuusuf Xasan oo ka mid ah ardayda Soomaaliyeed ee lagu xiray Quburus ayaa u sheegtay Goobjoog News, in ay yihiin 20 qof, kuna xiranyihiin xabsi ku dhex yaalla garoonka wadankaasi.

Waxa ay sheegtay in markii hore iyaga oo dalka joogay ay codsi u direen mid ka mid ah jaamacaha ku yaalla jasiiradaasi, islamarkaana ay bixiyeen lacag dhan qofkiiba 2-kun oo doolar.

Ardaydaan ayaa ka kala baxay magaalooyinka kala ah Muqdisho iyo Hargeysa, waxaana 5 ka mid ah ay yihiin Dumar, halka 15-ka kale ay rag yihiin.

Nasro ayaa tilmaantay markii ay garoonka kasoo degeen in ay qabteen ciidamada Booliiska, islamarkaana loo sheegay in dalka aysan geli karin illaa madaxda Jaamacadda ay u socdaan ay halkaasi tagaan.

“Madaxdii Jaamacadda ayaan wacnay, waxaan u sheegnay in Booliis uu na haysto, laakiinse waxay inoo sheegeen inaysan inoo imaan karin, markii aad banaanka usoo baxdaan ka dib ayaan idiin imaanaynaa, Booliiska waxay inoo sheegeen in aan bixi karin oo aan rabno in dalka been been ku galno, balse waxaan tusnay cadeynteenna, weyn na diideen waana ay na xireen” ayeey tiri Nasro Yuusuf.

Sidoo kale Nasro ayaa sheegtay in dhanka raashiinka ay dhib ku qabaan, islamarkaana loo sheegay in dalkooda dib loogu soo celin doono.

Ugu dambeyn ayeey ugu baaqday dowladda Federaalka Soomaaliya in degdeg ay xiriir kula soo sameeyeen madaxda Qubrus, islamarkaana hadii dalkooda loo soo celinayo ay helaan lacagtooda, ama waxbarashadii ay u baxeen loo fududeeyo.

Goobjoog News