U bood dhigaalka

Ardayda Dugsiyada Sare Oo Ka Cabanaya Imtixaanna Badan Ee Ay Galaan

Sheeko:Dalka

Ardeyda wax ka barta dugsiyada sare ee dalka ayaa ka cabanaya Imtixaanno badan oo ay sheegeen in ay ka qaadaan Iskuulka, Dallada iyo Wasaaradda Waxbarashada dalka.

Ardeyda ayaa tilmaamay in arrintaasi aysan awoodin oo ay ku tahay culeysyo, iyaga oo dhanka kale sheegay in Iskuulka, Dalladda iyo wasaaradda ay mid kasta si gooni ah ay uga qaadaan lacago kala duwan.

Haddaba waa kuwaan qaar ka mid ah ardeyda dugsiyada sare ee dalka oo arrintani Goobjoog kaga warbixiyey.

Cusmaan Cabdullahi Aadan Arday waxaa uu yiri “ Marka aan Iskuulka dhameyneyno waxaan la kulannaa Culeysyo,kuwaas oo labo dhinac ah, waxayna yihiin Dhanka Imtixaanaadka oo maskaxda Culeys naga saaro iyo dhanka dhaqaalaha oo nalku kordhiyo waxaan galnaa saddex Imtixaan oo kala ah Midka iskuulka, Dalladda iyo wasaaradda waxbarashada waxaana nalka qaadaa lacago badan”.

Salmaan Maxamed  Cabdullahi waa arday waxaa uu ka hadlayaa dhibaatada ay ku qabaan ardayda Imtixaannada badan oo ay ka qaadaan Iskuulaadka, Dalladaha iyo Wasaaradda waxbarashada waxaa uuna yiri.

“Marka aad galeysid saddex Imtixaan waxaa ku dilaya walwal ah kan miyaa ku baasee mise kan ayaad ku dhaceen, dhankaas markii laga soot ago waxaa jira culeys dhanka dhaqaalaha ah oo Iskuulka waxaa laga yaabaa lacag badan inuu kaa qaado hadhowna aadna awoodin inaad iska bixiso lacagaha kale ee Dalladda iyo Wasaaradda, maxaa yeelay saddex lacag halmar mawada dhiibi kartid Waalidkana waxay ku noqoneysaa culeys”.

Saddexdaan Imtixaan waxaa laga qaadaa ardayda ka qalin jabinayo dugsiyada sare, waxaana ka qaada Iskuulka, Dalladda iyo Wasaaradda waxbarashada dalka.

inta badan Maanta ayey ardeyda dugsiyada  sare waxaa ay u fariisteen Imtixaanka Shahaadiga ah .

Goobjoog News