U bood dhigaalka

Ardayda Dugsiyada Sare Oo Maanta u Fariisanaya Imtixaanka Shahaadiga Ee Ku Celiska Ah

Sheeko:Dalka

Maanta oo Isniin ah ayaa magaalada Muqdisho iyo gobollada dalka qaarkood waxaa looga fariisanayaa imtixaanka shahaadiga ee dugsiga sare, kaasi oo dib loogu celinayo.

13-kii bishan ayeey wasaaradda waxbarashada DFS waxa ay joojisay imtixaanka shahaadiga ee dugsiyada sare, kadib markii uu fashil ku yimid.

Waxaa imtixaankan dib u galaya in ka badan 30-kun oo arday, wuxuuna imtixaankan socon doonaan illaa 31-ka bishan.

Waxaa aad loo adkeeyey ammaanka goobaha ay ardaydu imtixaanku ku galayaan, dhanka kalena wasaaraddu waxay xoojisay dhanka kormeerka.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale.

Goobjoog News

Mawduucyada:Banaadir