U bood dhigaalka

Ardey Codsaneysa In Maadada Computerka Lagu Daro Manhajka Iskuullada

Sheeko:Dalka

Sanadihii la soo dhaafay iyo ka soo kabashadii burburka kadib, waxaa sanad weliba dugsiyada waxbarashada dalka  ka soo qalin jabinayey kumanaan arday ah kuwaas oo u gudbayey heerka  jaamacadda.

Geyiga Soomaalida waxaa qofka Jaahil ka ah loo aqoon jiray qof ka aan waxna qorin, waxna aan aqrin lakiin qarniga 21naad oo aan noolnahay  waxaa qofka jaahil ka ah loo yaqanaa qofka aan waxna  ka  aqoonin isticmaalka Computer-ka  iyo adeegsigiisa.

Maadada Computerka ayaan hadda aheyn mid ka mid ah Manhajka waxbarasho  lagu dhigo iskuulaadka wadanka marka laga reebo kuwo fara ku tiris ah oo ku yaala caasimada Muqdisho oo maadadaas bixiya, sababta ayaana lagu sheegaa in maadada computerka aan wali aan  laga hirgalin iskuuladda ayadoo ay la xariirta xaaladaha uu dalku soo maray mid siyaasadeed iyo mid bulshaba,

Ciise Cali Xasan ,Cabdi shakuur  Cabdullaahi Cilmi iyo Faysal Daahir Muuse  oo ah arday wax ka barata    Jaamacadaha magaalada muqdisho oo lahadlay Goobjoog News ayaa u sheegay in maadada Computer ka ahmiyad weyn u leedahay ardayda wax ka barata Jaamacadaha lakiin ayagu ayna nasiibku u saamixin in ay madadaas u soo qaataan heerakoodii wax barasho ee hoose, dhexe, iyo waliba sare jaamacadana ay yimaadeen ayagoon wax ka aqoonin Computer ka taasna ay ku noqotay caqabad weyn oo ay dareemayeen markii Jaamacadu u bilaabatay,

‘Magacaygu waa  Cabdi shakuur  Cabdullaahi Cilmi oo wax ka barta jaamacada UNISO ee Muqdisho ,  run ahaantii  maadadaan Computer-ka  ardayga aan aqoon jaamacada way ku adkaataa inuu waxii loo soo diray uu baaaro lakiin marka aad maadadii taqaano waxaa kuu sahlan inaad wax badan baarto oo ku saabsan maadada Jaamacada aad ka baranayso  maadaama lagaa rabo oo  macalimiinta jaamacadaha wax badan ardayda u soo diraan waana  wax aad u baahan tahay inaad wax badan ka ogaato’

Sidoo kale Cabdi Shakuur oo hadalkiisa sii watay ayaa sheegay sababta keentay in ardayda ku adkaato maadada Computer iyo isticmaalkeeda, ‘Dhibka  ugu badana waxa keenay  ayaa ah inuu ardaygii uu heerkii dugsiga ee wax barasho ee hoose,dhexe,iyo waliba sare  uu ka soo gudbay asagoo in badan ka garanaynin ma aan aqoonba u laheen Computer ka ama aragba,

Cabdi shakuur  Cabdullaahi Cilmi ayaa sheegay ’in dhaliisha ugu badan ay leeyihiin madaxda dalahadaha wax barashada iyo maamulada iskuulada kuwaas oo sanad waliba soo saara kumanaan arday oo ku biira Jaamacadaha, ‘Dhaliisha  ugu badan waxaa leh milkiilayaasha iskuulada iyo daladaha ay hoos yimaadan oo xil is ka saarin in ardayda ka soo baxaya  iskuulada  in  muhiima u tahay  wax badan ay ka fahmaan maadada  Computerka, ardaygiina waxa uu ku qasban yahay markuu jaamacadii bilaabo inuu hadana raadiyo iskuul uu ka barto Computer ka madaama laga rabo inuu ardaygii wax badan ka fahansan yahay Jaamacadana tahay mid ka duwan iskuulkii lagana  rabo adiga inaad in badan wax soo baarto,

Dhinaca kale, Ciise Cali oo la hadlay Goobjoog News ‘marka  ardaydu ay  joogaan heerkooda Jaamada dhib badan ay ka maran diyaarinta casharada madaama macalimiinta ay ka sugayaan  sababtana ay tahay in ardaydu aysan aqoon buuxda u laheyn  adeegsiga Computer ka markii uu ka soo qalin jabiyay dugsigii sare sidaa ay tahay waxa aan doonayaa inan bogaadiyo Iskuulada  bilaabay manhajkoodana ku dara maadada Cmputer ka”.

Ciise oo sii hadlaya ‘Waxaan bogaadinayaa madaxda  iyo maamulada iskuulada bilabay manaahijtooda ku daray maadada Computer-ka , waxaana rajaynayaa in inta dhimmana ay ku daydaan soona saaran arday kaga aqoon badan kuwa maaanta joogo ama ka soo baxayo iskuulada’waxaana ku talinayaa in dugsiga hoose ilaa midka sare ardayda in labaro maadadada Computer ka’

Ugu danbeen Faysal Daahir Muuse ayaa asigana  waxa uu ugu baaqay wasaaradda wax barashada iyo Hidaha iyo Tacliinta sare in maadada Computer ka lagu daro imtixaanka wasaaradda ay qaado manhajka dalkana lagu soo kordhiyo  ahmiyad balaarana la siiyo.

Goobjoog News