U bood dhigaalka

Ardey Deeq Waxbarasho Ka Heley Suudaan oo Maanta Dalka Ka Ambobaxay

Sheeko:Dalka
Sawir Hore
Sawir Hore

Waxaa maanta dalka ka dhoofey illaa 150 arday oo deeq waxbarasho ka heley dalka Suudaan, waxayna kala kala dhoofeen garoonka Aadan Cabdulle Cusmaan ee Muqdisho iyo Garoonka Dayuuradaha Garoowe.

105 ka mid ah ardadaasi ayaa ka duuley Muqdisho, halka 45 kale ay ka duuleen magaalada Garoowe.

Agaasimaha wasaaradda Hidaha iyo Tacliinta Sare Ismaaciil Yuusuf oo ardadii baxaysay la hadlay ayaa kula dardaarmay in ay dalkooda sharaf iyo wanaag usoo kordhiyaan.

Wuxuu agaasimaha sheegey in ay rajaynayaan deeqo kale oo waxbarasho.

Dhawaan ayay ahayd markii arday kale ay u baxeen dalka Itoobiya, halkaasi oo ay ka heleen deeq waxbarasho.

Wasiirka arrimaha dibada Cabdiraxmaan Beyle oo dhawaan dalka dib ugu soo laabtay ayaa warbaahinta u sheegey in safar uu tagay dalka Yemen ay dowladda dalkaasi kusoo heshiiyeen deeqo waxbarasho oo ay Yemen bixineyso.

Goobjoog News