U bood dhigaalka

Ardey Ku Nool Hargeysa Oo bacaha Iyo Waxyaabaha Jilicsan Ka Sameeya Kabo Casri Ah

Sheeko:Dalka

Waa suurtagal inaad is weydiineyso qiimaha Kabahani, ama dalkee lagu sameeyay, hase ahaatee arrintu sidaasi waa ay ka duwan tahay .

Wax-soo-saarkan waxaa lagu sameeyay dalka gudahiisa mana ahan wax-soo-saar ay iska kaashadeen ganacsato ama dad kale oo Maal-qabeen ah, balse waxaa hal-abuuray oo sameeyay Sakariye Khaalid Cabdiraxmaan oo ah ardey dhigta Fasalka 4-aad ee dugsiga sare ee magaalada Hargeysa.

Sakariye ayaa markii ugu horreysay hal-abuurkiisa ku soo bandhigay Iskuulka uu dhigto, iyada oo ardeyda Iskuulkiisa ay aad uga heleen wax-soo-saarkiisa iyo hal-abuurka cusub ee uu ka yimid.

Sakariye ayaa Kabahan ka sameeya Xarko oo asal ahaan aan loogu talagalin in laga sameeyo Kabo, hase ahaatee uu isagu uga faa’ideystay hal-abuurkiisa, isaga oo Goobjoog News la hadlayana waxa uu yiri “Hadda waxaan wadaa Kabo, kabahaas waxaan ka sameynayaa Xarko, Xarkahan waxaan ka soo iibiyaa Suuqa”.

Sakariye Khaalid Cabdiraxmaan ayaa sheegay sababta ku kalliftay in uu wax-soo-saarkan sameeyo, ka dib markii uu arkay daruufaha adag ee waddanka ka jira gaar ahaan shaqala’aanta uuna ku fikiray sidii uu wax cusub uu Suuqa u keeni lahaa, si hadhow marka uu dhameeyo dugsiga sare uusan ula kulmin shaqala’aanta dalka ka jirta.

“Waxaan is idhi berri waddanka cid kuu damaana qaadeysa malahan in ay shaqo ku siineyso ama wax kale kuu qabaneysa, waxaan is idhi intaad kheyrkaa baryi laheyd hadhow hadda wax qabso, intii aan magaalada joogi lahaa shaqala’aan waxaa ii fiican in aan ku mashquulo wax-soo-saarkeyga”.

Ardeyda Sakariye la dhigta fasalka ayaa waxa ay u arkaan halyey ka soo dhexbaxay isla markaana u baahan in la dhiirrigeliyo hal-abuurkiisa.

Saynab Maxamuud Cabdullaahi waa hooyada dhashay Sakariye Khaalid waxa ay Goobjoog News u sheegtay in ay aad ugu faraxday marka ay aragtay hal-abuurka wiilkeeda waxayna tiri “Inta uu guriga joogo waxa uu aad uga fakaraa in uu noqdo hal-abuure wax soo-saara, fikraddana isaga ayaa madaxiisa ka keenay cid la keentay oo ku dhalisay ma jirto”.

Ha-abuurka noocan oo kale ah ayaa u baahan in la dhiirrigeliyo, isla markaasna haddii la maalgeliyo dalka iyo dadkaba wax badan u tari kara.

Goobjoog News