U bood dhigaalka

Ardeyda Gobolka Bari Oo Ka Qeybqaadanaya Gurmadka Abaaraha Deegaannada Puntland

Sheeko:Dalka

Ardeyda ku dhaqan deegaannada kala duwan ee gobolka Bari ayaa billaabey iney ka qeybqaataan gurmadka loo sameynayo dadka abaarta ku hayso deegaannada uu ka arrimiyo maamulka Puntland.

Raashiin iyo lacag ay iska soo uruuriyeen ardaydan ayaa waxay ku wareejiyeen guddiga gurmadka abaaraha Puntland, si dadka dhibban wax loogu qabto.

Guddoomiyaha degmada Qardho ee gobolka Bari Cabdi Sayid Cismaan oo saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in ardayda gobolka Bari ay keeneen raashiin badan oo wax badan u tari doona shacabka abaarta ku haysa deegaannada Puntland gaar ahaan kuwa gobolkaasi.

Wuxuu sheegay in ardayda ay isku soo dareen nin walbo wixii uu heli karo oo raashiin ah, isaga oo tilmaamey in tani ay ka dhigan tahay in raashiinkaan ay ka timid guud ahaan bahda waxbarashada.

Dhinaca kale mas’uuliyiinta guddiga gurmadka abaaraha ee Puntland ayaa uga mahaceliyey ardeyda kaalinta ay ka qaateen u gurmashada shacabka abaartu hayso, waxayna dhinaca kale ugu baaqeen shacabka Soomaaliyeed in sidan oo kale ay gurmadka ugu kala harin.

Abaar saameyn ku yeelatay dadka iyo duunyada ayaa ka jirta deegaanno badan oo kamid ah Puntland, meelaha qaar xoolo badan ayaa u la’day abaartan.

Goobjoog News