U bood dhigaalka

Arrimo ay Tahay Iney Golaha Shacabka Weydiiyaan Wasiirrada Amniga, Duulista iyo Taliyaha Booliiska

Sheeko:Amniga

Maanta, waxaa golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya ka soo hor muuqanaya wasiirka amniga gudaha Maxamed Abukar Islow, wasiirka duulista Maxamed Oomaar iyo  Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliya Cabdi Xasan Maxamed Xijaar.

Raggan ayaa wax la weydiin doonnaa arrimo la xiriira amniga dalka, shaqada hey’adahooda, ku milmidda 3-daas hey’ad ee siyaasadda iyo weliba ku takrifal awoodeed.

Haddaba, ka hor kulanka Goobjoog News waxaa akhristayaasheeda guud ahaan iyo golaha shacabka oo codka umadda ah la wadaageysaa arrimo ay tahay in wax la weydiiyo wasiirka amniga gudaha, wasiirka duulista iyo  Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliya.

Maxaa Tahay In La Weydiiyo Taliyaha Booliiska Xijaar?

1. Tan iyo markii uu yimid xafiiska, Taliye Cabdi Xasan Maxamed Xijaar waxaa uu booliiska Soomaaliyeed ku soo kordhiyey ku-simmeyaal, shaqadiisa waxaa qabto ku xigeenadiisa, mana jirto wax isla xisaabtan ah.

2. Saraakiil sare oo ilaa 7 ah ayuu ku xiray xarunta dambi baarista CID-da taas oo khilaafsan sharciga booliiska, oo dhigaya xabsi guri ugu badnaan.

3. Isku dhac booliiska ayaa joogto noqday, gaar ahaan dhacdadii  X. control waxaa ay ku dhacday iyo haddii amaro uu bixin lahaa ay daaheen iyo sababta isku dhacyada usoo noqnoqdaan iyo weliba dilkii Almaas Elman.

4. Sababta booliiska Soomaaliyeed aaney mushaar u qaadan bishan socota iyo haddii ay jiraan dad rukhsad ahaa oo lasoo celiyey.

Goobjoog News waxaa ay ogaatay arrimo badan oo la xiriira shaqada booliiska Soomaaliyeed, ku takrifal awoodeed  iyo faragelinta ay fulinta ku heyso, taasi oo ay nala wadaageen saraakiil sare oo hey’addasi ah, innaga oo shacabka u soo gudbin doonna maalmaha soo socda.

Maxaa Tahay In La Weydiiyo Wasiirka Amniga:

1. Wasiirka amiga gudaha Maxamed Ducaale Islow waa wasiirka ugu khasaaraha badan, intii uu xilka hayey waxaa qarax iyo dilal kale u geeriyooday Soomaali ah, isla xisaabtanka waxaa uu kala mid yahay wasiirrada kale, welina ma dhicin inuu qirto gaabis, mas’uuliyadda qaato ama iscaslio.

2. Dhegxaanka meel walbo laga dhigay oo saameeyey nolosha dadka Soomaaliyeed, waa su’aalo ay dadku qabaan.

3. Maxay tahay Jidadka xiray iyo istaatiijiyadda amni ee askariga jiifa?

4. Maxaa loo dhisi waayey 32 ku booliis ah oo lagu heshiiyey shirkii amniga ee London?

5. Aawey sheekadii dhismaha ciidamada booliiska dowlad goboleedyada iyo qalabeyntooda?

6. Amniga uu wasiirka ka shaqeeyo ma kan Xamarbaa, aawey kaalinta wasaaradiisa ee dowlad goboleedyada?

7. Ciidamada booliiska waxaa ay qeyb ka noqdeen caburinta mucaaradka, dhicista doorashooyinka iyo arrimo ka baxsan sharciga, sabab?

8. Wasiirkan xiligiisa waxaa dhacay qaraxyadii iyo dilalkii ugu badnaa, waa maxay sababta uu isku casili waayey?

Iyada oo 2 bil uun ka dhiman tahay sanad guurada 3-aad ee xukuumadda Xasan Kheyre iyo Wasiirka amiga gudaha Maxamed Ducaale Islow, Goobjoog News waxaa ay diyaarisay diiwaanka dilalka dhacay tan iyo markaas, Islow-na waxaa uu noqon doonaa wasiirka ku guuldareystay bad-baadinta dadkii ugu badnaa ee dhintay 10-kii sano ee la soo dhaafay.

Maxaa Tahay In La Weydiiyo Wasiirka Duulista:

1. Wasiirka duulista Mr. Maxamed Oomaar shaqada ugu weyn uu sheegto waa wareejinta maamulka hawada laakin kama jawaabo xiriirka maamulka hawada ee xumaaday dhanka Somaliland iyo in socdaalka uu u isticmaalay caburinta shacabka iyo mucaaradka xukuumadda nabad iyo nolol.

2. Xiriirka xumaaday ee Somaliland ee la xiriira maamulka hawada, waa in la weydiiyo.

3. Sababta xukuumadda uu wakiilka uga ahaa Duulista ay u ciqaabtay dadka reer Kismaayo?

4. Sababta safarrada loogu ciqaabo mas’uuliyiin mucaarad ah, oo wasaaradiisa isku badashay aalad ciqaab.

5. Muxuu shacabka ula wadaagi la’yahay waxa kasoo xarooda Duulista?

6. Sababta uu shirkadda Turkida ee Airport-ka ula xisaabtami la’yahay oo ay dhacdo in garoonka aan la dayactirin, roobkana qaado?

7. Aawey shirkaddii  Somali Airlines ?

W/D: Cabdi Caziz Gurbiye, 

Goobjoog News