U bood dhigaalka

Askar AMISOM Kaga Dhaawacantay Weerarkii Jameeco

Sheeko:Dalka

Haweeneyda ah ku xigeenka madaxa AMISOM Lydia Wanyoto ayaa isbitaalka Xalane ku booqatay askar kusoo dhaawacantay weerar maalintii jimcaha deegaanka Jameeco ee u dhow degmada Buur Xakaba halkaasi oo ay Alshabaab weerareen kolonyo baabuur ah oo AMISOM ka tirsan.

War qoraal ah oo AMISOM soo saartay ayaa lagu sheegey in dhaawacyada ay xaaladooda wanaagsantahay, kana soo kabanayaan dhaawacyadii soo gaaray, balse ma aysan sheegin tirada dhaawacyada.

Mid ka mid ah askartii dhaawacneyd oo la hadlay madaxdii booqanaysay ayaa oga sheekeeyey sidii ay wax u dhaceen, wuxuuna tilmaamay in dalaaka uu socdey wax ka badan shan saacadood oo xiriir ah, la’islana gaaray illaa 3 saac fiidnimo.

AMISOM waxa ay sheegtey in weerarka Alshabaab uu ahaa mid aad u culus, islamarkaasina waxa ay wateen hub kala duwan, waxana ay intaasi lagu daray in ay dagaalyahanada ka mid ahaayeen kuwa ajaaniib ah oo qaarkood kasoo jeeda Yurub.

Goobjoog News