U bood dhigaalka

Askar Dumar Ku Leysey Tiyeegloow oo Wali La Baadi Goobayo

Sheeko:Dalka

dumarGuddoomiyaha degmada Tiyeegloow ee gobolka Bakool Maxamed Cabdulle Xasan ayaa sheegey in wali ay raadinayaan 2 ka mid ah rag 4 ahaa oo todobaadyo ka hor degmadaasi ka geystey fal fool xun oo lagu laayay 5 dumar ah.

Gudoomiyaha waxa uu sheegey in 2 ka mid ah ragga ay xabsiga ku jiraan, labada kalana lagu raadjoogo, wuxuuna sheegey in ciidamada AMISOM uu ka codsaday in ay ka qeybqaataan baadi goobka askarta dumarka leysey iyo waliba rag ka tirsan Alshabaab oo goowracay 2 dumar ah.

Dadka reer Tiyeegloow, gaar ahaan dumarka ayaa wali ka argagaxsan falka lagu laayay illaa 7 dumar ah, iyada oo cabsi badan ay wajahayaan dumar la sheegey in ciidamada Alshabaab ay xoog ku guursadeen intii ay ka talinayeen magaalada.

Guddoomiyaha ayaa shacabka oga digey in ay sharciga gacmahooda ku qaataan, islamarkaasina waxyeelo u geystaan dad, wuxuu sheegey in ciqaabta dadka dambiyada geystey ay u taalo maamulka.

Falkani ayaa ka dhashay kadib markii dagaalyahano Alshabaab ka tirsan ay guryahooda ka afduubteen 2 dumar ah oo ka tirsanaa ama cunto u karinayay askarta dowladda, kadibna inta goowracey meel soo dhigey.

Raggii ay dumarkaasina u dhaxayeen iyo kuwa saaxiibo la ah ayaa kadib afduubtey 5 dumar ah oo la sheegey in ay qabeen raggii Alshabaab ee dumarka goowracay, askarta ayaa markii dambe toogasho ku diley dumarkii ay afduubteen.

Goobjoog News