U bood dhigaalka

Askar Ka soo Baxay aag Dagaal oo La Xukumay

Sheeko:Amniga

askari oo soo  faarujiyay aagga Dhanaane ayaa loo soo xiray ka bixid aag dagaal iyo amardiido ay ku samaayeen Abaanduulaha Ciidamada Xoogga Dalka  kowdii bishii sideedaad ee sanadkan.

Askartan ayaa ka soo  baxay aagga Dhanaane ee gobalka Shabeelaha Hoose halkaasi oo ay ku qornaayeen, waxaana sagaal kamid ah ay  wada ahaayeen isku difaac halka sedaxda kale ay iyana ka soo baxeen gooba kale oo ka tirsan aagagga dagaalka ee gobalka Shabeelaha Hoose oo ay dowladda Soomaaliya dhawaanahaanba ka waday  dib u xureyn  deegaanno iyo waddooyin kamid ah gobalka.

20-ka Bishii sagaalaad ee sanadkan ayaa loo soo gudbiyay xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada Qalabka Sida dacwadda la xiriirta eedeysanayaasha, waxa ayna xilligaas weydiisteen garsoorka in loo gudbiyo xabsiga garsuge ahaan.

23-ka bishii sagaalaad ee sanadkan ayay  Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada Qalabka Sida dalbadeen in la muddeeyo dacwad  qaadista eedda loo heysto 12-kan askari ee ah amar diidada iyo ka bixid aagga dagaal ee Dhanaane, waxaana maalin kadib codsiga Xeer Ilaalinta loo ballamay in la qaado Maxkamadeynta 12-kan Askari.

24-ka bishii sagaalaad ee sanadkan ayaa loo fariistay fadhiga hore ee  dhageysiga dacwadda la xiriirta 12-ka askari  oo  loo soo xiray ka bixid aag dagaal iyo amar diido, waxaa  xafiiska xeer ilaalinta ku soo bandhigeen Maxkamadda  taliya ururukii iyo abaanduulaha ciidamada xoogga dalka oo si wada jir ah u soo gudbiyay dacwadda eedeysanayasha, sidoo kale maxkamadda ayaa dhageysatay dhammaan  jawaabaha ay ka bixiyeen eedda loo jeediyay oo dhammaantood   isla qiray  in sedax kamid ah maahe intooda kale ay ka soo baxeen agga dhanaane halka kuwa kale ay iyagane loo heysto in ay ka soo baxeen furin dagaal oo ay ku qornaayeen.

Waxaana Xeer Ilaalinta Ciidamada Qalabka Sida weydiisteen Garsoorayaasha In lagu xukumo xukunno u daneynayo adkeysiga iyo amar qaadashada ciidamada  dhexdooda si loo ilaaliyo hadaf ciidan oo ku dhisan u adeegidda qaranka.

Qareenada u doodayay  eedeysanayaasha ayaa  ka hor sheegay garsoorka in la siiyo fursad kale oo ay dib ugu noqdaan goobihii ay ka soo baxeen maadama markii hore iyaga ay ahaayeen kuwa  qeybta ka ahaa xureeynta goobaha ay ka soo baxeen.

Garsoorayaasha oo ka baaraan degayay nuxurka dacwadda,  doodda dhinacyada xeer ilaalinta iyo qareenada, ka falciladda jawaabaha ay ka bixiyeen eedeysanayaasha fadhiga maxkamadda  ayaa ugu dambeyn go’aan ku gaaray in  dhammaantood si wada jir ah loogu xukumo min Shansano oo xabsi Ciidan ah, sida uu u sheegay dhammaan dhinacyacda goob joogga u ahaa fadhiga Maxkamadda Gaashaanle Dhexe Xasan Cabdiraxmaan Aadan Wabiyow.

Xukunka Maxkamadda ayaa xoojin karo adkeysiga ciidamada iyo in aysan soo faarujin goobaha ay kala wareegaan maleeshiyada Alshabaab sida horay u dhici jirtay.

Xukunsanayaasha ayaa heysta fursad kale oo ay ku dalban karaan rafcaan hadii aysan ku qancin Xukunka Maxkamadda Darajada koowaad.