U bood dhigaalka

Askar Ka Tirsan AMISOM Oo Dad Shacab Ah Ku Diley Sh/hoose

Sheeko:Dalka

Askar ka tirsan ciidamada AMISOM ayaa la sheegay in ay dileen Lix qof oo shacab ah kadib markii ay qori baasuuke ah ku dhufteen gaari qudaar usoo wadey magaalada Muqdisho.

Gaarigan ayaa la sheegay in uu marayey meel ku dhow degmada Qoryooley ee gobolka Shabellaha Hoose, waxaana la tilmaamay in ciidamadan ay gaariga qorigaasi ku dhufteen iyaga oo aan hubin cidda saaran iyo waxa uu yahay.

Mid kamid ah darawallada degmada Qoryooley oo u waramay Goobjoog News ayaa sheegay in ciidamada AMISOM meesha falkaan ay ka geysteen aanu ahayn meel looga baratay iney yimaadaan.

“Ciidamadan meeshan laguma ogeyn, gaariga oo kusoo jeeday magaalada Muqdisho nalkiisa ayeey arkeen kadibna baasuuke ayeey ku dhufteen, waxaa gaari ku dhintey 6 qof oo qudaarey iyo darawalkii gaariga iyo Labop kirishbooy isugu jirey, waxaana dadka kamid ahaa Labo haween ah” sidaasi ayuu inoo sheegay darawalkaan ku sugan Qoryooley oo magaciisa codsaday inaan la baahin.

Dhanka kale AMISOM qoraal kooban oo ay soo dhigtay barta ay ku leedahay Twitter waxay sheegeen in habeenkii xalay ahaa ay Al-shabaab weerar kusoo qaadeen fariisin ay ciidamadooda ku leeyihiin degmada Qoryooley, kadibna madaafiic ay tilmaameen in dhanka Al-shabaab ay ka timid ku dhacday goob ay ku badan yihiin dad shacab ah.

am

 

 

 

 

 

 

 

 

Askar ka tirsan AMISOM ayaa marar badan waxay dalka ka geysteen falal sidan oo kale ah, iyadoo weli aysan muuqan tallaab laga qaadey askarta falalkaasi ku kacday.

 

Goobjoog News