U bood dhigaalka

Askar Ka Tirsan AMISOM Oo Maanta Lagu Maxkamadeeyay Muqdisho (Sawirro)

Sheeko:Dalka

Maxkamadda ciidamada qalabka ee dalka Uganda ayaa manta waxay magaalada Muqdisho ku xuntay askar ka tirsan AMISOM, kuwaa oo loo heystay eedeymo la xiriira iibinta sahay ay lahaayeen ciidanka AMISOM.

Wadarta guud ee ciidamadda maanta la horkeenay Maxkamadda ayaa gaaraysa 17- waxaana dhammaantood ay ku eedeysnaayeen inay rag ganacsato ah ay ka Iibsadeen shidaal talisku lahaa.

Maxkamadda ciidamadda Uganda oo kiiskan dhagaysatay ayaa xukun halsan ah ku riday Eedaysane qirtay dambigiiisa kaas oo darajadda Major nimadda laga qaaday hal sano oo xabsi ciidan oo Uganda ahna lagu riday

Brig Dick Olum  waa taliyaha ciidamadda Uganda UPDF isaga oo arrimahan ka hadlaya ayaa waxa uu yiri.

“Tiradda 17-ka ciidan waxa ay ku lug yeesheen in shidaal taliska  AMISOM uu leeyahay loo bixiyay banaanka xeradda iyadoo laga Iibinayo koox ganacsato dan doon ah Isgoyska km5”

“AMISOM waxa ay leedahay shuruuc la xiriirta sida gawaari tooda ah banaanka ugu bixi karaan iyo sida ay u soo gali karaan kuwaas oo qoran , ka hor inta aynu gawaariddu ka bixin xeradda waxaa waajib ah inay soo maraan qaybta nabad sugidda ee hubinta gawaarida, waa in dhamaan ciidamadda dibadda u baxaya , gawaaridda iyo saraakiishuba ay maraan taxqiiq dhamaystiran markaas kadib bay dibadda u bixi karaan, laakiin maalintaas gawaaridaas oo Saddex ka koobnaa ma aysan marin wax hubin ah , islamarkaasna waxa ay dibadda u saareen gawaariddas oo mid kamid ah uu shidaal waddo , howshaas oo aan ahayn mid AMISOM ay ogtahay balse dangaar ah ay ka wateen shaqsiyaad gaar ah oo ciidamadda ka tirsan”.

Waa uu sii hadlay Brig Dick waxa uuna sheegay in ciidamaddan dhamaantood ay dambiga galeen inkasta oo ay kala culusyihiin.

“Askariga albabaabka jooga dambigaas waa uu galay, ninka idmay in gawaaridu ay dibadda u baxaan dambigaas waa uu galay, kuwa kaxeeyay gawaaridaas waa ay galeen dambigaa, kuwa shidaalka ku shubay gawaaridaasi dambigu waa ay galeen , marka waxa ay ahayd silsilad isku xiran oo ay ku midaysnaayeen 17-kan askari dhammaantood halkan ayaan isugu keenay, waxaana intaan ku guda jirnay su’aal waydiintooda ay inoo sheegeen inaysan dambiga galin laakiin markii dambe oo aan sii laba jibaarnay waydiimaheenna waxa ay qaarkood doorteen inay runta sheegaan oo waxay yiraahdeen dambiga waan galnay”

“Ninkan iminka ahaa sarkaalka sarre waxaan ka qaadnay darajadiisa majornimo waxaana lagu xukumay Hal sano oo xabsi ciidan ah”.

Eedaysanayaashan intooda badan waa ay dafireen inay dambigaas galeen ,hase ahaatee Sarkaalka lagu xukumay xabsiga ciidan ee gaarsiisan halka sano waxa uu sheegay in arrintaas sameynteeda inay ku kalliftay ilmo rajo ah oo uu korinayo kadib markii ay geeriyoodeen sida uu yiri laba xaas oo uu qabay.

u17 u14 u13 u12 u11 u10 u9 u8 u7 u6 u5 u4 u3 u2 u1

Goobjoog News