U bood dhigaalka

Askar Ka Tirsan AMISOM Oo Mar Kale Dad Shacab Ah Ku Dilay Magaalada Marka

Sheeko:Dalka

Wararka ka imaanaya magaalada Marka ee gobalka Shabellaha Hoose ayaa ku waramaya in Askar ka tirsan AMISOM ay habeenkii xalay ahaa dad shacab ah mar kale ku dileen magaaladaasi.

Inta la xaqiijiyay 6 qof oo shacab ah ayeey ciidamada AMISOM xalay ku dileen magaalada Marka, waxaana dadka la dilay la sheegay inuu ku jiray Aabe iyo Caruurtiisa.

Sidoo kale waxaa jira dad dhaawac soo gaaray, kuwaa oo la geeyay Isbitaalka magaaladaasi.

Qof ku sugan magaalada Marka ayaa Goobjoog News u xaqiijiyay in ciidamada AMISOM ay guryaha ugu galeen dad shacab ah, islamarkaana rasaas ay ku fureen.

Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in ciidamada AMISOM ay nolosha ku kaxeysteen dhalinyaro aad u badan oo illaa iyo hadda meesha ay geeyeen aan la ogeyn.

Tani ayaa ka dambeysay ka dib markii la sheegay in shalay ciidamada AMISOM qarax lagula eegtay xaafadda Ruusiya ee magaalada Marka, iyadoo xaaladda ay tahay saaka mid kacsan.

Bishaan gudaheeda ayeey ahayd markii sidaan oo kale askar ka mid ah AMISOM ay dad shacab ah ku dileen magaalada Marka, inkastoo ay falkaasi dafireen.

Si aynu u helno xog intaan ka badan waxaan xiriir la sameennay saraakiisha AMISOM iyo sidoo kale maamulka gobalka Shabellaha Hoose, hase ahaatee inooma suurta gelin.

Goobjoog News