U bood dhigaalka

Askar Ka Tirsan DFS Oo Ku Geeriyootey Qarax Ka Dhacay Duleedka Muqdisho

Sheeko:Amniga

Wararka ka imaanaya duleedka magaalada Muqdisho, gaar ahaan inta u dhaxeysa Weydow iyo Macaani ayaa waxay sheegayaan in halkaasi qarax Miino lagula eegtay gaari ay la socdeen askar ka tirsan ciidanka dowladda federaalka Soomaaliya.

Goobjoogayaal ayaa u sheegay Goobjoog News, in miinadan ay haleeshay gaari nooca dagaalka ah oo ay ciidankaan la socdeen, waxaana halkaasi ku dhintey Saddex ka mid ah askartii gaarigaasi la socotay, iyadoo sidoo kale ay dhaawacmeen Labo kale.

Goobta qaraxa uu ka dhacay ayaa waxaa gaaray ciidamo kale oo dowladda ah kuwaasi oo wada howlgallo ballaaran.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News