U bood dhigaalka

Faah Faahin: Askar Ka Tirsan DFS Oo Lagu La’ Yahay Badda, Kadib Markii Ay La Degtay Doon

Sheeko:Dalka

Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa doon ay la socdeen askar ka tirsan ciidanka dowladda federaalka Soomaaliya, kuwaasi oo ay kula degtay bariga xeebta magaalada Marka.

Sida ay sheegeen saraakiil ka tirsan DFS, waxaa doonidaasi la socday ku dhowaad 20 ka mid ah askarta xoogga dalka, kuwaasi oo ka baxay magaalada Muqdisho.

Waxaa lasoo badbaadiyey 13 askari oo uu ku jiro taliyahooda, kaasi oo lagu magacaabo Xidigle Xismaan Muuse, waxaana illaa iyo haatan la la’ yahay 5 askari.

Weli waxaa socda dedaallada lagu baadigoobayo askarta la la’ yahay iyo hubkooda, mana jirto faah faahin intaan ka badan oo la helay.

Magaalada Marka waxaa go’doomiyey Al-shabaab, iyadoo ciidanka dowladda ee doontan la degtay ay doonayeen in dhanka badda ka galaan magaaladaasi.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News