U bood dhigaalka

Askar Ka Tirsan Dowladda Federaalka Oo Ku Geeriyootay Qarax Ka Dhacay Degmada Afgooye

Sheeko:Dalka

Qarax Bam ayaa habeenkii xalay ahaa waxa uu ka dhacay degmada Afgooye ee gobalka Shabellaha Hoose, kaasi oo geystay khasaare dhimasho iyo dhaawac isugu jirta.

Wararka ayaa waxay sheegayaan in qaraxaan lala eegtay Askar ka tirsan ciidamada dowladda oo howlo shaqo ku jiray, iyadoo halkaasi ay ku dhinteen Laba Askari, sidoo kalena uu dhaawacmay Askari kale.

Gudoomiye ku xigeenka dhanka amniga ee maamulka degmada Afgooye Yuusuf Maxamed Moordow oo u waramay Goobjoog News, ayaa xaqiijiyay khasaaraha ka dhashay qaraxaan iyo sidoo kale xaaladda degmadaasi sida ay tahay.

“Waxaan maqalnay qarax, rasaas ayaa ka dambeysay, ka dib markii aan meesha tagnay waxaan aragnay Meydka Laba Askari iyo dhaawaca mid kale, ciidamadana waxay u gurmadeen dhaawicii amnigana waa la sugay” ayuu yiri gudoomiye ku xigeenka.

Dhanka kale gudoomiye ku xigeenka dhanka amniga maamulka degmada Afgooye ayaa waxba kama jiraan ku sheegay in rasaas ay fureen ciidamada amniga ay waxyeelo kasoo gaartay dad shacab ah.

Xaaladda guud ee degmada Afgooye ayaa ah mid deggan, iyadoo shacabka ay hadal hayaan qaraxii xalay degmadaasi ka dhacay.

Goobjoog News