U bood dhigaalka

Askar Ka Tirsan Dowladda Federaalka Oo Ku Geeriyootay Weerar Ka Dhacay Gobalka Gedo

Sheeko:Dalka

Wararka ka imaanaya gobalka Gedo waxay sheegayaan in ciidamo ka tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya ay weerar lama filaan ah kala kulmeen ciidamada Al-shabaab, halkaasi oo khasaare kasoo gaartay askartii dowladda.

Ciidamadaan oo ka baxay degmada Baardheere ee gobalka Gedo, kuna wajahnaa magaalada Garbahaarey ayaa ciidanka Al-shabaab waxay ku weerareen deegaanka Faanweyn, halkaasi oo rasaas la’isku adeegsaday.

Inta la xaqiijiyay Labo ka mid ah ciidamada dowladda ayaa ku dhintay weerarkii gaadmada ah ee Al-shabaab ku qaadeen ciidankani.

Ciidankaan ayaa markii la weeraray waxaa la sheegay inay ku hakadeen goob maqaayad ah oo halkaasi ku taallaym waxayna ahaayeen Afar Askari, Labadii kale oo gudaha maqaayadda ku jirtay ayaa u suurta gashay inay baxsadaan, laakiinse lama oga halka ay weli ku sugan yihiin.

Meydadka askartii dhimatay ayaa la sheegay in deegaankaasi saaka lagu aasi doono.

Saraakiisha ciidamada dowladda ee Gobalka Gedo weli kama aanay hadal weerarkaan gaadmada ah ee Al-shabaab ay ku dileen Labo ka mid ah askartooda.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News