U bood dhigaalka

Askar Ka Tirsan Jubbaland Oo Ku Geeriyootay Dagaal Maanta Ka Dhacay Kismaayo

Sheeko:Dalka

Dagaal u dhaxeeyay ciidamada wasiirka arimaha gudaha maamulka Jubbaland Jeneraal Maxamed Warsame Darwiish iyo kuwa Nabad sugidda maamulkaasi ayaa maanta ka dhacay magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka Jubada Hoose, waxaana dagaalkaasi ka dhashay khasaare dhimasho iyo dhaawac isugu jirta.

Inta la xaqiijiyay Seddax Askari oo ka mid ah kuwa dagaallamay ayaa halkaasi ku geeriyootay, waxaana dhaawac uu soo gaaray 5 kale sida ay Goobjoog News u xaqiijiyeen dad halkaasi ku sugan.

Dagaalkaan ayaa ka dhacay xarunta wasaaradda arimaha Gudaha Jubbaland oo ku taalla xaafadda Calanley ee magaalada Kismaayo, waxaana uu ku bilawday ka dib markii la sheegay in mid ka mid ah ilaalada Wasiir Darwiish uu qori kasoo qaatay Askari Nabad sugid ah, kuna soo cararay xarunta wasaaradda.

Ciidamadii Nabad sugidda ayaa ka daba tagay askarigii halkaasi kusoo cararay, iyadoo durba goobta dagaal uu ka bilwday.

Xarunta lagu dagaallamay waxaa gaaray ciidamo kale oo Jubbaland ka mid ah iyo sidoo kale madaxweyne ku xigeenka Labaad ee maamulkaasi Suldaan Luga-dheere oo xaalka qaboojiyay.

Weerarkaan ayaa imaanaya xilli wasiir Darwiish uu ka maqan yahay magaalada Kismaayo, isaga oo la socda wafdiga Madaxweyne Axmed Madoobe ee ku sugan magaalada Garoowe.

Goobjoog News