U bood dhigaalka

Askar Ka Wada Tirsan Ciidanka Dowladda Oo Ku Dagaallamey Sh/dhexe

Sheeko:Dalka

Dagaal u dhaxeeyay askar ka wada tirsan ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ka dhacay degmada Mahadaay ee gobolka Shabellaha Dhexe.

Inta la xaqiijiyey Hal qof oo ka tirsan askartii dagaallantay ayaa goobta ku geeriyootey, iyadoo ruux shacab ahna halkaasi dhaawac uu kasoo gaarey side uu Goobjoog News u sheegay goob jooge ku sugan degmadaasi.

Lama oga waxa keenay in askartan ay dagaallamaan, iyadoo markii dambe ciidankii dagaallamayey ay soo kala dhexgaleen askar kale.

Xaaladda guud ee degmada Mahadaay ayaa ah mid aad u deggan, inkastoo weli ay xiran yihiin xarumihii ganacsiga ee degmadaasi.

Maamulka Degmada Mahadaay iyo saraakiisha ciidanka dowlada ee degmadaasi ayeeynu inoo suuragelin inaan qadka taleefanka ku helno si aynu wax uga su’aalno dagaalkaasi dhacay.

Goobjoog News