U bood dhigaalka

Askar Ka Wada Tirsan DFS Oo Ku Dagaallamay Muqdisho

Sheeko:Dalka

Askar ka wada tirsan ciidanka dowladda ayaa maanta ku dagaallamay degmada Dharkeenley ee magaalada Muqdisho.

Dagaalkan waxaa ka dhashay khasaare kala duwan oo dhimasho iyo dhaawac isugu jira.

Ciidanka dagaallamay ayaa ka kala tirsanaa Nabad-sugidda iyo kuwa Xoogga Dalka, sidey inoo xaqiijiyeen dadka deegaanka.

Hal qof ayaa ku dhintey Labo kalena dhaawac ayaa kasoo gaaray dagaalkan, sidey xaqiijinayaan dadka deegaanka.

Xaaladda halka lagu dagaallamay ayaa ah mid deggan, iyadoo dagaalkanna uu ka bilowday sida la sheegay muran xagga dhulka ah.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale.

Goobjoog News