U bood dhigaalka

Askar Kenyaan ah oo Lagu Dhaawacay Qarax Miino

Sheeko:Dalka

Warar hadda na soo gaaray ayaa sheegaya in 3 Askari oo Kenyaan ah lagu dhaawacay qarax Miino oo lagula eegtay deegaanka Tarake ee gobolka Gedo

Wariyaha Goobjoog News ee gobolka oo warkan soo xaqiijiyay ayaa intaa ku daray in Miinada lagu rakibay geed dushiisa.

Askarta Kenyaanka ee la dhaawacay ayaa la socday Kolonyo Baabuur oo ka tagay deegaanka Tarake oo 40 KM u jira Baardgeere iyagoo ku sii jeeday  Fafax Dhuub oo isla gobolka

Wararkaas wixii ku soo kordha kala soco. Goobjoog News