U bood dhigaalka

Askar Kenyan Ah Oo Ku Dhintay Qarax Ka Dhacay Gobolka Waqooyi Bari

Sheeko:Amniga

Qarax Miino ayaa duleedka magaalada Gaarisa ee gobolka Waqooyi Bari Kenya waxaa lagula eegtay kolonyo ay la socdeen ciidamada dowladda Kenya.

Inta la xaqiijiyey waxaa qaraxan ku dhintay 10 ka mid ah ciidanka Kenya, waxaana ku dhaawacmay tiro kale sida ay xaqiijiyeen saraakiil ciidankaasi ka mid ahaa.

Ciidanka qaraxan lala eegtay ayaa ahaa kuwa sida gaarka u tababaran ee Koofi Casta, waxaana halka qaraxan lagula eegtay lagu magacaabaa Cabdi Sugeey.

Taliyaha ciidamada Milatariga Kenya ayaa xaqiijiyey dhimashada askartaasi, balse waxa uu ka gaabsaday in faaah faahin dheeraad ah uu bixiyo.

Dhanka kale, ururka Al-shabaab ayaa baraha ay Internetka ku leeyihiin waxay ku sheegteen mas’uuliyadda qaraxaasi.

Goobjoog News