U bood dhigaalka

Askar Ku Dhaawacantay Qarax Ka Dhacay Xarunta UNDP-da Ee Muqdisho

Sheeko:Dalka

3 askari  ayaa ku dhaawacantay qarax gaari oo goordhaw ka dhacay goob gawaarida la dhigto oo ku taalla xarunta UNDP ee magaalada Muqdisho.

Ciidamada dhaawacmay waxaa ay ka tirsanaayeen shirkadda gaarka ah ee Duguf Enterprice Security Services (DESS) oo qaabilsan ilaalinta ammaanka xubnaha qaramada midoobey ee ku sugan Soomaaliya.

Goobjoogayaal ayaa Goobjoog News u sheegey in qaraxa uu ahaa mid lagu rakibey gaari xalay yaalley Garaaj la dhigo gawaarida.

Qaraxan waxaa uu dhacayaa maalin kadib markii 2 qarax ay ku dhinteen in ka badan 20 qof ay ka dhaceen goob aan ka fogeyn xarunta.

Dhow jeer oo hore ayaa la weeraray xarunta UNDP ee Muqdisho, weerarkii ugu dhibaatada badnaa waxaa uu dhacay June 19, 2013, weerarkaas in ka badan 15 qof ayaa ku dhimatay kadib markii maleeshiyaad labisan dharka ciidamada dowladda ay gudaha u galeen xarunta iyagoo dad badan halkaasi ku dilay ka hor inta aaney AMISOM iyo ciidamada gaarka ah ee Soomaaliya la wareegin ammaanka.

Wixii faahfaahin ah, kala soco, Goobjoog News