U bood dhigaalka

Saraakiil Ku Geeriyootay Qarax Ka Dhacay Xerada Warshaddii Nacnaca

Sheeko:Dalka

Qof ayaa goordhaw waxaa uu isku miidaamiyay xero ciidan oo taallo degmada Wadajir ee magaalada Muqdisho, saacado kadb qarax gaari oo isna dhacay magaalada.

In ka badan 5 askari oo saraakiil u badan ayaa ku dhimatay halka 9 kale oo ay ku jirto gabar rayid ah ku dhaawacmeen qarax goordhaw ka dhacay Xero ciidan oo ku taalla Warshaddii Nacnaca ee magaalada Muqdisho.

Warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in qofka is qarxiyay oo labisnaa dharka ciidanka, isla markaana uu gudaha u galay xerada kadibna uu is qarxiyay.

March 13, 2017:  Labo qarax ayaa ka dhacay Muqdisho. Qaraxii Koowaad ayaa waxa uu ka dhacay degmada Wadajir ee magaalada Muqdisho, gaar ahaan bannaanka hore ee Warshaddii Nacnaca, halkaas oo ay ku xarreysan yihiin ciidamo ka tirsan xoogga dalka Soomaaliya. Saacado kadib waxaa qarax Labaad uu ka dhacay wadada Makka Al-mukarrama ee magaalada Muqdisho, gaar ahaan nawaaxiga hotelka Wehliye oo ku dhow Isgoyska Dabka.

Labada qarax waxaa ku dhintay 11 qof halka ay ku dhaawacmeen in ka badan 20 qof.

Goobjoog News